MR KARASAAY OO HAATAN LUGTA GELSHAY DHIIQADII QARSOONAYD SHARIIF XASAN GOBOLKA SHABEELLAHA-HOOSE JBM

0
224

Maxaa samirka gaaxdaa nasiib gaabiyaa dilaa, misna gaari waayaa, sow ma ahi gaddeedi goronyooy gabbal kuu dhac maanta anna, sida aan sanooyin kahor dadko badi jiifa aan ku naadinaynay, Warbaahinta ku bohowday Southern Media baaritaanadeeda layl duulka ah waxay ku soo ogaatay haatana in kabraalaha Tiimka Reedow Reedow fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland Mudane C/Casiis Xasan Maxamed laftagareen (Karasaay) uu imika lugta gelshay dhiiqadii ugu darnaydo qarsoonayd ee uu Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan (Shariif Sakiin) saabasaabeeyay qoolabkeeda gobolka Shabeellaha-Hoose JBM, suntaaso hadda si toos ah u soo sundaacayso urteedu uunku jibaallada ku soo duminayso halisna ay ugu jiraan inaysanba sii joogin dadyowga Maayga ah mandiqadda duulkan ay daggan yihiin duullaamada qaawan lagu soo qaaday qarnigan dunidu xorowday midabkalasoocii iyo aftakoorkiiba ay dhamaadeen.


Sheekadan oo u baahan in qof waliba Maayland u dhashay u aqristo si taxadar iyo dareen buuxa leh sifo ee uu macnaha u gabowdhaco annago ku bilaabayna milgaheeda meeshay shalay taagnayd iyo halka at imikadan ka dheelinayso kooban, iyado ruuxna aan loogu darnaanahayn geesta kalana midna aan loogu roonayn, se abaartanku yahay badbaadada dalka iyo dadka iyo diintoodan dulman ummaddan dhiiggoodu meel waliba lagu qubayo birtu ay iska saaran tahay sankuneefle looga cabsadaa aanu jirin ee uu fashlaha wiiqda leh waranjeefayo cawo iyo dharaarba daadduumeenoy iska quusteen xaajadooduna maamul iyo hoggaanba ay iska dabamadowdahay.


Sida aad wada ogsoontihiin Mudane Sharif Xasan Shiikh Aadan (Shariif Sakiin) oo kolkiisu hore 6-da gobol labo u kala gooyay gogoshii ADC-da dowlladdii xoogga badnayd JBM lagu dhisayna burburiyay, waxaa uu ninkaasi sameeyay mahadhooyin nabaro xanuun badan oo qolyaha maanta booskiisi lagu baddalay Mr Karasaay koow ka yahay aanay inkiri karin natiijooyinka falalkii gunnimada kii tagey tagey uu sameeyay.
Shariif Sakiin kala goynta 6-da gobol dhaqaalihii uu ku qaatay marka laga soo tago, waxaa uu misna adduun lacageed uu ku qaatay 3-da gobol mid inuu dhiibayba, waana gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, kaaso uu u saxiixay dowllaaddii Xasan Shiikh kana qaatay 19 malyano Dollarka Maraykanko kaash ah.
Heshiiskaasi halista ah waxaa loo dhigay in gobolka Shabeellaha-Hoose uu af-ahaan kali ah kaga mid ahaado maamulka Maayland, balse hoos ahaan sharciyan uu hoos imanayo gobolka Banaadir, taaso inay jirto haddaynu idin hogo tusaalayno kaga qanci karaysaan sida:-Eng Yiriisowgii Nabar iyo Naxdin ay khaarajieen duqii hore ee gobolka Banaadir ee uu ku dhiiraday maraanba sidaa u dheerayn inuu yiraahdo “ilaa iyo Buurhakaba sokodeeda waxay hoos imanaysaa gobolka Banaadir,” taaso la macna ah “wixii uurka yaal ayuunbuuna caranku soo xadaa-dafaaya,” iyado doc kale haddaynu iska tusaalayno haddana aad ka wada dharagsan tihiin, Shariif Xasan inuu mooryaantii Galmudugo awalba gobolka horay u haysatay, kuwo kalo hor leh sida Cadaado iyo Dhuusamareeb intuu fadhigooda ka soo kaxeeyay isbaarooyinka Shabeellaha-Hoose JBM xaaraanta dadka deegaanka laga qaadayo uu yuuko kula galay, misna u diiday dadyowga deegaanka inay ciidamo dhistaan si ay yeydu isaga dhacshaan, kuwii Baydhabo uu ku tababarayna ee loogu talagalay gobolkan uu kala diray kala yaaca yiri, diidayna Shariifku inuu caasimadda Baraawe dowlladdu soo dajiyo.


Mudane C/Casiis Xasan Maxamed laftagareen (Karasaay) oo Farmaajo xoog ku keenay laguna yiri orod saddexdaas gobol adigaa madaxwayne u ah wixii dhacayna macalinka laga wada yahay, ayaa isago qabarmoog ah waxaa uu damcay in ciidankii ugu horeeyay gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland tiradoodu gaarayso 400 bilays ah dhaqaalahoodu bixinayaan EU uu Baydhabo ku tababaro, waxaana durbadii lagu yiri “saaxiib ciidankaasi Muqdishaa lagu tababarayaa ee haddaad doonaysid kaalay Muqdisho tababarka ugu fur.”
Mr Karasaay wuu orday Xamar buu tagey, waxaa uuna kolkuu ka dagay Muqdisho uu yiri “waa maxay sababta ciidanka in Baydhabo aan ku tababarto la iigu diiday?,” waxaase loogu jawaabay “Karasaay maqal, gobolka Shabeellaha-Hoose wuxuu ka tirsan yahay (Section-One), amnigiisuna wuxuu hoos imanayaa gobolka Banaadir,”
Arrinkaasi kolkuu la kulmay ee uu Mr Karasaay indhuhu taagtaagay, waxaa aayer u yimid oo si hoose warqad qarsoon bilaa koobi ah isha u saaray wasiirka arrimaha gudaha federaalka Soomaaliya Mudane Sabriye u dhashay Galmudug saxiixyadii Shariif Xasan Shiikh Aadan (Shariif Sakiin) iyo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safarow ooy kala saxiixdeen in gobolka Shabeellaha-Hoose af ahaan uun muddo uga tirsanaado Maayland, balse sharciyan uu hoos imanayo gobolka Banadir lagana xukumayo halkaasi.
Haddaan taariikhda in yar aynu gadaal ugu noqono, 6-da gobol markii dhismaha gogosheedu loo fadhiyay Baydhabo JBM, waxaa jirtay in madaxwayne Xasan Shiikh Safarow isago awoodda dowlladda federaalka Soomaaliya

adeegsanaya uu abaabulayay shir maamul loogu dhisayo Shabeellooyinka, oo guddoonkii gobolka Shabeellaha-Hoose JBM xiligaasi Mudane C/Qaadir Siiddii xitaa shirkaasi Muqdisho lagu qabanayay intuu ka qaybgalay uu si furan uga dhex yiri “waan dhisanaynaa maamulka Shabeellooyinka la bixi rabay (Shabelle State), waxaana xusid mudan, in libaaxi dalka kay ka cabsoodaan madaxwayne Mukhtaar Roobow goortii uu Baydhabo ka dagay warqaddii maafiyada Villa Qashin ay soo saareen ee ahayd “madaxawayne Mukhtaar Roobow isma rashixi karo,” Mudane Xasan Shiikh isagoon xilka madaxwaynenimadu aanu hayn, intuu isa soo hayn waayay uu idaacadaha laamaha Af-Maxa ka yiri “Mukhtaar Roobow waa muwaaddin xaq u leh inuu wax doorto lana doorto, balse xiligan xiligii loo baahnaa ma ahan inuu isu soo taago madaxtinimada JBM,” halkaasood ka fahmi kartaan, in Mudane Safarow uu ogaa haddii Madaxawayne Mukhtaar Roobow iyo dowladdiisu ay hawlgal bilaabaan saxiixyadiiso dhan ee uu sida hoose sirta ah ula galay Shariif Xasan, inay fashilmayaan gobolka uu dhaqaalaha waalan iyo juhdiga ku baxshayna Shabeellaha-Hoose, inuusan ka jari karaynin Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, oo dhamaanteed iska ka leh dadka u dhashay Maayland qura kuna hadla luuqadda Maayga.


Haddaba yaabkaasi dadku aan wada ogayn Mudane C/Casiis Karasaay kolkii Xamar uu kala kulmay kuna adag tahay afka inuu furto bacdama nin meesha la gaystay uu yahay qabbaan reerihi dilay wax u bislaynaya, waxaa uu yiri “waxaan doonayaa inaan caasimadda Baraawe usoo guuro,” waxaana lagu yiri “saaxiib sug hadda ma aha, Baydhabadaada fadhi amniga ilaa aan kuu soo diyaarino annagaa ku soo wargelin doona,” haatana tababarka fur,” waana tii uu ciidankii bilayska Muqdisho tababarka uu ugu furay.
Haddaba inta maamul ee dalka ka jira ma aragteen booliis dowllad-goboleed oo Muqdisho loo soo qaadayo madaxwaynahoodana lagu oranayo “kaalay inta tababarka ugu fur?,” sido kale armaad aragteen inta dowllad-goboleedyo jira mid aan madaxwayne kuxigeen lahayn, oona madaxwayne kuxigeenkiisu intaaso sanadood aan lagu dhawaaqaynin?, masa aragteen xildhibaano maamul-goboleed oo doorashadiisu markay soo dhowdahay baarlamankii dowllad-goboleedko idil into dayuurad lagu soo qaato Muqdisho la keensado hudheelo la dagsado lagu dhahaayo “hebel bes ah doorta kaan idiin calaamadaynay aynu ku shaqaysanayno adinkuna jiritaankiini idin ku baabi’inayno.?


Haa, waxay ila tahay inaad garateen in ka Maayland fari ay ku godan tahay, tahayna xaaladdiisu “war hashu maankay gaddee, ma masaarbay liqday.”
Shariif Xasan oo ummadda goortii uu kaaraha Itoobiya rabitaankoodu ku burburinayay kursigu yimid koow afkiisu ka ballan qaaday in muddo 6-bilood gudahooga madaxwayne kuxigeen uu magacaabi doono, maanu magacaanin afartii sano midna, ka Tiimka Reedow Reedow isna isla taangiga Itoobiyaanku ku yimid 8-bilood ka badan intuu dhiiggu qubay joogo, meeyay madaxwayne kuxigeen ereyna maka haysaan?, haddaa warku wuu iska cad yahay doqon iyo mugdi uunbaana madow sida xaqiiqda ahna gobolka Shabeellaha-Hoose kama tirsana Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, waxaa gooyay oo gatay Shariif Xasan Shiikh Aadan (Shariif Sakiin) dhacsashose waa halkeedi.


Ugudambayntii haddii aynu ku laabano dhanka gudoomiyaasha, guddoonkii hore gobolka Shabeellaha-Hoose JBM Mudane C/Qaadir Siiddii oo la safnaa reer Gamudug diiddanaana inuu Baydhabo hoostago, isaga iyo Shariif Sakiin waa la kala dilay xilkuna waa laga xayuubiyay, waxaana booskiisi lagu baddalay nin ay dhahaan Mr Najax oo aad loo soo uumiyay tashkiilsan kaaso u shaqaynaya qolyaha gobolka goosatay ee doolka ah, waxaana Najax uu taagan yahay 2 jeer iyado Shariifku raggii la shaqaynayay yara toosnaa ay wada daateen, sababta uu u taagan yahayna wali ay tahay gudoomiye Najax, inuu ku joogo xoogga raggii sida dhabta ah Muqdisho uga soo nagacawday, taaso uusanba qarin ee uu Najax dadka ugu faantamo “in cid ka baddali kadhaan xilka gudoomiyenimada gobolka Shabeellaha-Hoose aanu jirin, xitaa Karasaay, aaminsanahayna isaga iyo Karasaay inay 2 isku mid ah yihiin la soo kala nagacawday.”

Geddisleey gaalana ma aha islaamna ma aha, se marka aad geel dhaqatidbaa gaawaha loo soo cushaa amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here