MUSIIBADA MADAXDA KAGA GABSATAY DEGMADA WANLAWAYN JBM LAAKIIN!!

0
75

Wasiirka dekadaha JBM magaciisu waa Mudane Cumar Axmed Eenoow Sandheere oo loo yaqaano wasiir Aaytimoow waana Reer Maayland degmada Wanlawayn JBM, wuxuu kasii yahay lafta sida gaarka ah u leh dhulka Leego, Iidow-Jille, Yaaq-Bariwayne iyo aaggaasi JBM, waana nin damiirtu ay aad uga dhimatay, hooyadiisuna waa Reer Fahad Yaasiin Salballaar 2.
Mr Koosto kusimaha guddoonka degmada Wanlawayn JBM waaba iblays toban-wijiile ah runtii, labadooduna waxay u dhaqman sifooyinka doofaarada waana mujrimiin u taagan ajaridda Reer Maayland, gaar ahaan degmada Daafeet JBM iyo dadkeeda Reer Maayland, waxaana ay si toosa ula shaqaystaan Al-Shabaab ooy u rufiyaanaan marba qabiilkii ay is-leeyihiin hunguri ayaad ka heleeysaana la safan.
Mudane Koosto ayaa haatan ah dubka kore Reer Wanlawayn JBM, bale asalkiisu waa nin ka soo jeeda Reer Hirshabelle isaga iyo xildhibaankiisa xildhibaan Awoow Maxamed Maxamuud oo aan waligiisaba ka dagin kursiga xildhibaannimada dowlladda dhexe, waxayna aslkooda ka soojeedaan deegaanka Moorojiiddo oo ku taal gobolka Shabeellaha-Dhexe ee maamulka Hirshabelle halka uu ka soo jeedo Xildhibaan Jamhuuriya, Awoowgaasoona waligiisa aan tagin degmada Daafeet, amaba wanlawayn JBM, waana dadka loogu sheekeeyay asalkoodu inuu yahay (Irir-Samaale, amaba anagaad na tihiin.

Xildhibaanka kalana musiibada ah horna taagan korukaca ummaddan dulmin waxaa la yiraahdaa Mudane Xaaji Cali Madnuur, balse wuxuu noqday Kambaniga Doonta Geriga Duurka, waana ruux lagu muransanyahay aabbihii midka uu yahay, maxaa yeelay awoowgiisa iyadoo uu roob da’aayo ayaa hooyadiisa geed hoostiisa ay ku tuurtay, waxaana soo qaaday islaan beesha Reer Buur-Haybe ah JBM, jufada Leego iyo Yaaq-Bariwayne JBM iska leh ah, kadibna ninkeeda ayay u gaysay asigaana sidaa ku soo koriyay waxna soo baray, oo naagna ku daray magacna u bixiyay magacaasoo ahaa Eedle Rooble.
Intaa kadibna waxay ku tarmeen jufada sidaas ayeyna Reer Maayland ku noqdeen, dabadeed haatan markii xildhibaan uu noqdayna, waxaa laga dhigay Kambiniga Reer Jig-Jiga Handab Geri Koombo asaga iyo Mr Xuseeneeygii Reer Afgooyaha JBM ahaa.
Xildhibaannadda kale ee Reer Wanlawayn JBM, waxaa la yiraahdaa Xildhibaan Nadiifo, waxayna matashaa jufo ka mid ah jufooyinka 5-ta ah ee iskale degmada Wanlawayn iyo nawaaxigeeda JBM 3-dexada reer oday, iyaduna waxay baddashay geesigii Illaahay ha u naxriistee Marxuum Macalin Jiis, waxaana asalkeeda hadda laga dhigay Handab, balse ninka qaba ayaa Reer Wanlawayn JBM ah, oo kursigaasina sidaas ku baxay, waana ayaandarooyinka ku habsaday Reer Wanlawayn JBM xildhibaanadooda 3-da ah, ooy ku leeyihiin dowlladda federaalka Soomaaliya oo sidaasi wada noqday.
Saa awgeed Reer Wanlawayn JBM Illaahay samir iyo iimaan haka siiyo shacabka masaakiinta ahna Illaahay bay leeyihiin,
horaana waan u sheegnay waxa dadkan iyo dalkooda baaxadda leh la dagayaa inay yihiin dad dubka kore Reer Maayland ka ah balse asalkooda meelo kale ka soo jeeda oo kuraasta ugu fadhiya shukaankuna u haya, kuwaaso ku faraxsanba inay baaba’aan ummadda dulman ee Reer Maayland dhan waliba duullaanka looga soo qaaday magaca dowlladnimada darayska astaanta qaranka tuutaha lagu dhangalaasaynayo, mar ka qabiilka, marna ka diinta iyo ganacsiga, kuwaasoon laga takhallusina inaanay marnaba guda fayoobaan karin Maayland cadowgeeduna sinaba uga adkaan karaynin.
Middada daabka laga haayo doqontu waano ugu filan amar Alle laakiin!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here