Nabad iyo Nolol oo abaabulaysa dibadbax ka dhan ah Madaxdii hore ee Dalka

0
154

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleeno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay abaabuleyso dibad bax Balaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoogaga wadniyiinta, Ururada Haweynka iyo Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada , Kan maamulka Maalyadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu war-geliyay inay diyaariyaan shacab banaabax sameeya, kuwaas oo loo dhiibayo boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu sumacad dilayo madaxdii hore ee qaranka.

Maalinta berri ah ayaa la qaban qaabinayaa in banaabaxaas uu Muqdisho ka dhaco shacabkana ay la hadlaan hoggaamiyaal bulsho kuwa diimeed iyo kuwa dhaqan oo dowladda taageersan.

Wararka ayaa sheegaya in banaabaxa inta uu socdo jidadka loo xerayo dibad baxayaasha si farriintooda ay u noqoto mid gaarta meesha loo dan leeyahay, oo aanay u dhalan carqalad amni oo baajisa.

Sidokale wararka ayaa waxa ay intaa kudarayaan in Dowladda ay qorsheynayso in banaan baxayaasha ay si xoog ah kugalaan Guryaha ay degan yihiin Madaxwayne yaashi hore ee dalka si ciidamada iyo Shacabka ay isaga hor yimaadaan sidaasna loogu calaameeyo madaxwayneyaashi hore .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here