NABADOON AW-BAAB NINKA AAD CILAANKA USOO SAARTEEN GABAR MA U HEEYNO

0
151

DEGMADA AFGOOYE YAA SULDAAN KA AH… ? waxaa yaab iyo Filan waa ay ku noqotay Bulshada ku nool Degmada Afgooye ka dib markii uu ka soo muuqday goob lagu sheegay in lagu Caleema saaraayay Gudoomiye Gacan ku rimis ah oo ay Degmada Afgooy usoo magacaawdeen kooxda Al-shabaab shuraakada la ah ee uu Gudoomiyaha u yahay Gudoomiyaha Gobolka SH/Hoose

NAJAX ayaa mar qura waxaa Goobta ka soo muuqday Nin lagu sheegay in uu yahay Suldaanka Guud ee Degmada Afgooy kaasi oo lagu magacaabo Suldaan Xayir Ciise Faarax.Tan iyo Dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay Shacabka Gobolka Sh/hoose marna ma helin Xuquuqdoodii Aas-aasiga iyo Rabitaankooda haba ugu darnaato Degmada Afgooye , Runtii Degmada Afgooye waa Isha koowaad ee Dhaqaalaha gobolka waana Magaalo Istraatiiji ah waayo waxeey xiriirisaa Gobolada Koonfur-galbeed , Koonfurta Soomaaliya iyo Magaala Madaxda Dalka hadaba waxaa ayaan dara ah magaalada noocaas ah in aysan nasiib u yeelanin marna Xildhibaano ku matala heer

Dowlada Federaalka , mid Maamul goboleed iyo Oday-dhaqameedyo Bulshada Rabitaankooda iyo Masiirkooda u matala toona . Goobta lagu Caleema saaraayay Gudoomiyaha Gacan ku rimiska ah sida aad muuqaalka aad ku arki doontaan waa Qol dhaxdiisa oo waliba Iftiinku uu ku yaryahay si aan loo aqoonsanin wajiyada Dadka Goobta Fadhiya , balse waxa ay Goobtaasi si Juujuub iyo Tashkiilin ah ay ku keeneen Nabadoon Aw-Baab Nabadoonka Goobta ka soo jeediyay Gadalo eeysan ka fileeynin isagoo ugu soo gunaanuday hadlka Ninkan aad Cilaanka usoo saarteen Gabadhii uu Guursan lahaa ma heeyno Anaga laakin waxba kama qabno hadii aad Awood noo sheegataan oo aad Kufsataan balse ogaada Kufsi Xalaal ma ahan , hadii ay taasi dhacdana Cawaaqib xumadii ka dhalata idinkaa ka masuul ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here