NATIIJADA SHIRKII MAANTA SARAAKIISHA MILATARIGA MAREYKANKA IYO MAAYLAND BAYDHABO JBM

0
337

1) In Taliska Mareyanka (Ay-Furuqow) Ballidoogle JBM ay si toos ah ugu amar qaataan Baydhabo Maayland xafiiskeeda.

2) In Mareykanku ciidamada uu u tababaro dhamaan gobollada Maayland, ciidmaadaas oo ay soo qori doonto wasaarada Amniga Maayland, askartaasoo ka madax banaan kuwa federaalka looguna magac dari doono ciidmada Daraawiishta Maayland.

3) In la xoojiyo sarana loo qaado xirfadda iyo aqoonta Qaybta 60-aad, waxaana uu taliska Mareykanka iyo ka maayland ay isku raaceen in waxii ku saabsiisan arrimaha Qaybta 60-aad kaga amarqaadan doonaan Taliye Akadeemigga ah Jeneraal Maxamed Shiikh C/LLaahi Ciirow oo ka masuul ah amniga gobollada Shabeellaha-Hoose, Bakool iyo Baay JBM.

4) In Taliska Mareykanku uu Maayland ka caawiyo sidii loo furi lahaa waddooyinka ay arggaggaxisadu xireen ayna ugu horeyso ta Baydhabo iyo muqdisho JBM isku xidha.

5) Maayland waxay cadeymo qoraal ah siisay Taliska Mareykanka, oo ah, in ciidmadan dhooban gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) marka laga reebo Kuwa degmada Qoryooley JBM Jooga oo maayland ah iyo xoogahoo kale, In guutooyinka 7-aad iyo guutada kale ee 6-aad laga soomiyay in xil ay ka qabtaan saraakiisha u dhashay Maayland.

Dood dheer kadib Mareykanku wuxuu sheegay in arrintan uusan wax ka qaban karin maadamaa dhanka federaalka laga soo magacabo ay tahay in wasaaradda gaashaandhiga ay soo baddadho saraakiisha.

Sido kale, wuxuu caddeeyay in Mareykanku ,in European Union, AU ay dacwado badan oo ku saabsiisan dhibaatooyinka dadka Maayland ku qabsada Shabeellaga-Hoose JBM la soo gaarsiiyo mar waliba si isdabajoog ah.

Waxayna Taliska Mareykanku codsadeen, in Maayland ay Ballidoogle ubsoo magacawdo guddi xiriiriya Taliska mareykanka iyo Maayland.

Arrinta Wanlawayn JBM Taliska Mareykanku wuxuu sheegay, inuu kaga amar qaadan doono guddomiye Maxmed siidow iyo Taliska ciidanka Wanlawayn Daraawiishta Maayland.

Se kani galbay ku kale hooyo amar Alle laakiin!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here