Odayaal Matalaayay Shancaleemo iyo Maleeshiyada Gaaljecel Odayaashooda oo heshiis nabadeed gaaray.

0
73

Odoyaal dhaqameed ka kala socda beelaha Shancaleemo iyo gaaljecel ayaa wada gaaray heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda u dhexeysay labada dhinac.

Labada beel ayaa waxaa dhexmaray dagaal beeleed gallaaftay nolosha Labaata qofood oo dhimasho ah sidoo kalena barakiciyay Boqolaal qoys.

Heshiis nabadeedkan ay garwadeen ka aheyd dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la rajeynayaa in uu soo afjara dagaalada dibna u soo celiyo wada noolaasho iyo  nabad dhex marta bulshooyinka halkaasi ku nool.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay 30 odayaal ergo ah oo ka kala socday labada dhinac waxaana dhexdhexaadinayay Kusimaha Xilka Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn iyo Wasiir Saandheere oo kawada tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowlada Fidraalka Ciidamo u Xilsaartay Wadahadalka inkastoo Dowlada ay ka gaabisay in ay u soodirto cida quseesay heshiiska Noocaan oo kale sida ay sheegeen Odayaasha Dhaqanka Qaarkood.

Wadahadallada ayaa lagu ansixiyay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin

  1. in Isbaaro ladhigi Karin Waddada Cidii dhigato ladilidoono dilkiisna aan cidna loo qabsankarin.

2.in ganacsigii u xermay dagaalada aawgeed dib loofuro.

3.Magaalada dhedeeda in Beesha Gaaljecel aysan Hub ku qaadan karin.

Ma ahan markii ugu horeesay heshiis noocaan oo kale ay wada gaaraan marwaliba heshiiskan waa ay is hordhigi jireen heshiiskan waxa uu ugu duwanyahay in Dowlada iyo Maamul goboleedka Kgs ayaa garwadeen ka aheed oo kaliya inkasto qolakasto sirtooda uduugan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here