Qandaraaskii Bangiga Aduunka oo lagu wareejiyay ehelada Kheye: Cabdi Cali iyo Ismacil Gooni

0
29

Xasan Cali Kheyre oo u dhaqamaya sidii qof shaqada laga ceyrinayo amaba uu isaga rabo in uu isaga tago ayaa waxa uu dar-dar galiyay in uu qandaraasyadii dowlada uu gacanta u galiyo ganacsato ay ehel yihiin, kuwaas oo uu gancasi kala dhaxeeyo. Ganasatadaan ayaa ahkuwa aan ka xishoonaynin in hantidii umadda kala dhaxaysay ay beel ahaan ku tuntaan una isticmaalaan in ay ku fushadaan danahooda garka ah.

Xasan Kheyre ayaa qoraal uu horay ugu qoray Ganacsade Ismaaciil Gooni oo ay ilma adeey yihiin, waxa ay dowlada Maleysia u soo magacawday wakiilkiisa Soomaaliya u fadhiya, waxa uuna hada xafiiska ka furtay Magalaada Muqadisho. Magacaabistaan ayaa waxaa ay ka danbeeysay ka dib markii ganacsato reer Malaysia  ah qandaraasyo gar ah ay la galeen ganacsato ka soo jeeda beesha Murusade, gaar ahaa sadaxada ganacsato:

Dhanka kale, iyada oo horay loo siiyay qandaraasyo fara badan ganacsatada Murusade ee ka soo jeeda beesha Habarceyno kuwaas oo ay ku jiraan Cabdikarin Gaanbe, Cabdi Cali, Ismaaciil Gooni iyo Nuur Qooloow, ayaa hadada waxa iyada si toos asbuucaan loogu wareejiyay labad aganacsadato ee kala ah Cabdu Cali iyo Ismaaciil gooni barnaamijka dhaqaalaha lagu siinayo dadka dhibka ka soo gaaray Corona oo ay bixisay Bangiga Aduunka.

Qaar ka mida ganacsatadaan ayaa waxa horay qandaraas loogu siiyay quudinta ciidanka Xooga dalka iyo maxaabista. Waxaa nasiib xumo ah in hadii Xasan Kheyre ka xishoon waayay, dhaca hantida umadda Soomaaliyeed in uu beesha uu ka dhashay iyadana ay noqdaan kuwa caqliga u saaxiiba, ogaan doonana in la isaga daba imaan doono  ficilka ay ku dhaqamayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here