Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Maanta Magaalada B/weyne

0
22

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beled weyne Ee caasimada Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax uu halkaasi ka dhacay.

Miino dhulka la geliyey ayaa la sheegay in hal qof uu ku dhintay kaas oo ahaa Mid ka mid ah maleeshiyada loo yaqaano Macawiisleyda.

Waxa Qaraxa uu ka dhacay Xaafada Howlwadaag dhinaca Laamiga uu Bacaadada ka yahay,oo miinada lagu aasay.

Gudoomiyaha Magaalada Beled weyne Cusmaan Dhisicoow Dhuuboow ayaa wariyeyaasha kula hadlay Goobta Qaraxa uu ka dhacay,isagoo Tacsi udiray Ehelada Marxuumka lagu dilay Qaraxaasi.

Waxa uu ku eedeeyey Weerarkaasi maanta dhacay inay ka dambeeyaan Al Shabaab oo Ficilo diinta Islaamka ka baxsan sameenaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here