Qatar oo lacag ku bixisay in Al Shabab hakad galiso weerarada Muqdisho! Sabab?

0
12

Dhowr cesho ka hor ayaa ay ahayd markii Fahad Yasin uu kulan la qaatay qaarka mida wariyayaasha ka howlgala magalaada Muqdishu isaga oo ku faanaya in lagu guulystay in weeraradii  Al Shabaab ay ku qaadayeen  magalaada Muqdishu la joojiyay isla markaana uu ka codsaday wariyayaasha in ay buunbuuniyaan guusha uu isagu soo hooyay.

Hadaba muxuu salka ku hayaa hadalka ka soo yeeray Fahad Yasin xiligaan? SMC NEWSS ayaa loo xaqiijiyay in bilihii Sabtember iyo Oktobar  lacag aan wali noo suuragalin in aan ogaano cadadkeeda la siiyay Ururka Al Shabaab. Lacagtaan  ayaa waxaa bixisay dowlada Qatar iyada oo la soo marsiiyay Fahad Yasin.

Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin ayaa in mudo ah waxa ay ku doodayeen in  hakad la galiyo weerarada Al Shabaab si ayan mucaaradka u helin fursad dowlada lagu eedeeyo in ay gabtay adkeeynta amaanka dalka. Gaar ahaan xiliga ayamucaaradka dowlada soo xoogaysanayo.

AL Shabaab ayaa loo fasaxay in ay weerari karaan wixii la xiriira ciidamada laakiin aan weerar toos ah lagu qaadin xaruumaha ganacsiga iyo kuwa dowlada.

Sida aan ku helnay xogta rasmi ah Dowlada Qatar ayaa bil kastaa lacag laaluush ah siin doonta ururka Al Shabaab, waxa aan wali cadaynin ilamaa ayaa Al Shabaab hakad ku hayn doonaan weerarada ay ku qaadaan magaalada Muqdisho.  Al Shabaab ayaa ah urur argagaxiso ah oo dhibaato ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo is buuxda u dhexgalay kuna milmay dhamaan hay’adaha dowlada.

Mid ka mida wariyaayaasha ka qaybgalay kulankii Fahad Yasin la yeeshay saxaafada ayaa u sheegay SMC NEWSS in Fahad Yasin waxa badan kala socdo qorshaha Al Shabaab. Waxa uu yiri “ Fahad marnaba kuma faani lahaynin in uu weeraadii Shabab joogsadeen, isna uu sheegto in uu isagu ka danbeeyay arintaas hadii uusan xiriir toos ah la lahaynin Al Shabaab ama ayan meel waxa wada dhigan”.

Wali ma cada ilaa inta Al Shabaab ay hakad galin doonto weerarada iyo argagaxa ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here