Qoor Qoor oo weerar afka ah ku qaaday Deni & Axmed Madoobe

0
69

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo khudbad ka jeeiyay Shirka Baydhabo uga furmay Madaxda Saddexda Maamul Goboleedyada ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in Axmed Madoobe iyo Deni ay diideen ka qeyb-galak shirkii Dhuusamareeb3, iyaga oo shuruud uga dhigay dalka uusan Ra’iisul Wasaare laheyn, hayeeshee iyada oo weli la magacaabin Ra’iisul Wasaare ay tageen Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Qor Qoor Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay la yimaadaan qorshayaal cad si wada-hadallada au miro dhalaan.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xii muddo todobaad ka badana y muqdisho ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyada oo qorshihii ay u yimadeen Muqdisho uusan dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here