Ra’iisul Wasaare oo gaaray Degmada Xudur ee Gobalka Bakool

0
33

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa ay gaareen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,

Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha Magaaladas waxaa kusoo dhaweeyay Cabdi Casiis laftagareenoo kasii horeeyay,Maamulka Magalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmada Xudur.

Dadweyne kala duwan oo ka kala yimid Xaafadaha degmada xudur ayaa isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Dr Waaberi ee degmada Xudur,halkaas oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu kula hadlo.

Ammaanka guud ee degmada Xudur ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa Koonfur Galbeed,kuwaas oo amniga siweyn u sugaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here