Saciid Deni oo kulan siyaasadeeysan isku horfariisiyay Midowga Musharaxiinta & Madaxda DF ee Garoowe ku sugan

0
25

Madaxweynaha DG Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha JFS ayaa maanta hotel Martisoor isugu keenay Midowga Musharaxiinta & Madaxda DF & Madaxweynayaasha Jubbaland & Galmudug.

Saciid Deni oo si weyn uga faa’iideystay shirka aay Puntland & Heritage sida wadajirka ah u soo abaabuleen, taasoo ujeedka ugu weyn ee laga lahaa shirkan aay tahay sidii loo dhisi lahaa Saciid Deni, loona tusi caalamka & Shacabka Soomaaliyeed in uu Saciid Deni yahay shaqsiga kaliya ee isku keeni kara, ka adkaan kara Farmaajo isla markaana lagu aamin karo hoggaanka dalka.

Shirkan ayaa daba socda wadahadal xalay khadka telefoonka ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo & Saciid Deni, taasoo uu Deni ballan qaaday in uu meel soo saarayo Mucaaradka isla markaana looga fadhiyo in Farmaajo uu uga danbeeya xal u helidda khilaafka Doorashada MW Saciid Deni. 

Sida ka muuqata sawirada kulanka maanta uu Saciid Deni u sameeyay midowga Musharaxiinta & Madaxda kale waxaad ka dareemeeysaa in Midowga Musharaxiinta meel gooni ah la fariisay loona ekeeysiiyay dad aan rabin dowladnimada, halka Madaxda DF & kuwa DG meel gaar ah la fariisiyay loona ekeeysiinayo in aay yihiin dad difaacaya Dowladnimada.

Waxaa dad badani isweydiinayaan sida aay Midowga Musharaxiinta ku aqbaleen qaabka loo fariisiyay taasoo bixineysa feker ka duwan midka aay xalka ugu raadinayaan qaabka Doorashada.

Midowga Musharaxiinta oo aanan fahamsaneyn dabinka Siyaasadeed ee loo dhigay ayaa weli waxaa lagu wadaa in iyaga lagu kor sameysto sumcad & in Deni yahay shaqsiga kaliya ee badbaadin kara dalka.

Shirka Heritage ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo waxaana Wariyaha MOL ee ku sugan Magaalada Garoowe iyadoo xiganeysa howlwadeenada Heritaga aay sheegtay in uu jiro ismari waa go’aanada lagu wado in laga soo saaro Warmurtiyeedka Shirka.

Heritage & Saciid Deni ayaa raba go’aanada ka soo baxaya shirka lagu qoro in shir aay isugu yimaadaan Madaxda DF & DG si heshiis looga gaaro Doorashada, halka Mucaaraadka aay ku doodayaan in laga dhigo qodobkaas in shirka uu noqdo mid loo wada dhan yahay kaalinta aay leeyihiinna laga siiyo laguna qoro Warmurtiyeeda “In shirka aay si wadajir uga soo wada qeyb galaan DF, DG, musharaxiinta & ururada Bulshada Rayidka ah” Balse waxaa arrintan ka biyo diidan Cabdirashiid Khaliif madaxa Heritage & Cabdikarin Jaamac, kuwaaso wata agenda gaar ah.

Sida aay MOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Beesha Caalamka, Beesha Caalamka oo loo diray casuumaad ayaa ka biyo diiday in shirka Heritage aay ka soo qeyb galaan iyagoo ka cudurdaartay, Waxaa hubaal ah in Beesha Caalamka aay fahmeen ujeedka shirka iyo qorshaha Heritage & Saciid Deni, taasina aay tahay sababta aay u diideen ka soo qeyb galka shirka Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here