SAWIRO AMSTERDAM CAASIMADDA DALKA NEDERLAND OO BOROORDIIQ LOOGU SAMEEYAY ENG YIRIISOWNA LAAKIIN!!

0
71

Magaalada Amsterdam oo ah caasimadda dalka Nederland, waxaa habeenkii xalatoole boroordiiq loogu sameeyay gudoonkii ahaana duqa gobolka Banaadir Eng C/Raxmaan Cumar Cusmaan Yiriisow oo dhamaadkii bishii la soo dhaafay lagu qarxiyay isaga iyo gudoomiye degmayaashiisi gudaha Vice Governo xarunta gobolka Banaadir federaalka Soomaaliya. Southern Media Co-Operation oo tiimkeedo aad u qalabaysan hawlo shaqooyin culculus ku jira socdaalo dhaadheer ku maraya waddamada galbeedka Yurub dacwadna ay maxkamadda dambiyada adduunka The Heugue Maxamed C/LLaahi Farmaajo madaxwaynaha Soomaaliya xasuuqii uu Baydhabo ka gaystay iyo afduubkii gardarada madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur aawadood ka gudbinaya, ayaa warbaahintu jaantu dhigtay halka boroordiiqda Eng Yiriisow loogu samaynayay. Goobta boroordiiqdu ka dhacaysay waxaa lagu arkayay bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen madaxa guud Ururka Samafalka Horumarinta Waxbarashada hooyada iyo dhallaanka CAMEDO Drs Kaamila C/Qaadir Caddow (Kaamila Kulmiso) oo ku labisnayd calanka quruxda badan Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland. Bulshadii Soomaaliyeed goobta isagu timid oo wajiyadoodu laga dheehan karayay murugo iyo tiiraanyo aad u wayn, waxaa ay ku soo idlaatay jawi aad u dareen naxdin leh, waxaana muuqaalada biroordiiqda Eng Yiriisow aynu idiin kugu soo gudbin doonaa wararkeena dambe haddaynu nahay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya oo mar waliba u taagan u hiillinta dadkeeda dulman daafaha dunida meel kastooy ka joogaan. Qof walibana intuu gaystay ayuunbuuna godka la galayaa dunidan gaabanna amar Alle laakiin!! By:Ustad Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here