SAWIRO:- Dadkii ugu badnaa oo ka barakacay dagaalka Itoobiya

0
20

Kumannaan shacab Itoobbiyaan ahaa ayaa u qaxaya dalka ay deriska yihiin ee Suudaan, si a uga baxsadaan colaadda sii huraysa eek a taagan waqooyiga dalkooda, taas oo la filayo in dad kale oo fara badan ay qixi doonaan, marka loo eego war ay baahiyeen waaxda Qaramada Midoobay ee Sudan.

In ka badan 7,000 qaxoonti ah ayaa galay dalka Sudan, xilli ay saameeyeen dagaalka ka dhex oogan dawladda xoogagga maamulka Tigreega, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan UN-ta Filippo Grandi.

“Waxaa halkan jooga barakacayaal farabadan oo ka soo qaxay gobolka Tigreega ee dalka Itoobbiya” ayaa uu ku sheegay Tweet. “Haddii xaaladda adagi sii socotana, samaaynta biniaadantinnimo waa ay sii xumaan doontaa.”

Habeenkii salaasadii , inka badan 1800 oo qof ayaa ka tegey itoobbiya oo gooyay xuduudda u dhexeysa iyaga iyo gobolka Suudaan ee Kassalla, halka kumannaan kalena ay ka soo galeen dhanka Al-Luqdi.

Maamulka gobolka ee Kassalla ayaa diyaarinaya goobo lagusoo dhaweeyo dadka oo qaadaysa 20,000 hordhac ahaan, sida ay uu sarkaal UN ka tirsan u sheegay CNN. Inkasta oo xuduuddu xidhan tahay haddana guddoomiyaha gobolku wuxuu Amnesty u soo bandhigay inay qaabilaan, halka UN saadaalisay dad gaadhaya 100 kun ay xuduudka kasoo gudbi doonaan illaa sannadka danbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here