SAWIRO:-Dowladda oo Qalab iyo Dawooyin ku wareejisay Maamulka K/Galbeed

0
58

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay Agab iyo dawooyin Caafimaad gaarsiisay xarunta karantiilka ee Covid-19 oo maamulka K/galbeed uu ka hirgeliyay Baydhabo.

Qalabkaan oo dhawaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in la siinayo Maamul Goboleedyada ayaa waxaa loogu talo galay ka hortegida  faafitaanka Cudurka COVID-19.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya kala wareegay qalabkaan iyo dawooyinkaan oo noocyo kala duwan leh,iyaga oo ka mahad celiyey.

Maamulka K/Galbeed ayaa waxaa uu difaac uga jiraa Cudurka Coronavirus,waxaana jirin kiis la xiriira Coronavirus oo laga diiwaangeliyey deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here