SAWIRO:-Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka oo Kormeeray goob loo asteeyay doorashada Xildhibaannada

0
28

Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka, Guddiga Maamulaya Doorashooyinka Banaadir iyo xubno ka tirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa Maanta kormeeray Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye oo ah xarunta labaad ee loo asteeyay in lagu qabto doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo Banaadir.

Xubnaha Guddiyada ayaa indha-indheeyay Hoolka Weyn ee dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye, iyaga oo qiimeyn ku sameeynayay xalada Amniga goobta iyo sida doorashada loogu qaban karo.

Xubnaha Guddiyada ayaa sidoo kale kulan ku yeeshay Gudaha          dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye, iyaga oo kulankooda uga hadlay dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo muujinta inay u diyaarsan yihiin qabsoomida doorashada.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii markii guddiga  muransan yahay ee Doorashooyinka ay booqdeen Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisdho, halkaas oo ah goobta 1aad ee loo asteeyay in lagu qabto doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here