SAWIRO: SAANQAADKA DUNIDA SMC IYO GUDOONKA JAALIYADDA MAAYLAND DALKA NEDERLAND MUDANE YUUSUF DHURRE LAAKIIN!!

0
409

Isagoo wareysi dareen iyo karkar damiir dadnimo ku dheehantahay uu siinayay Saanqaadka Dunida SMC oo xaadir ku ahayd magaalada Amsterdam caasimadda dalka Nederland guddoonka jaaliyadda Maayland dalka Nederland Mudane Yuusuf Dhurre halyeey u dhashay Maayland, waxaa uu warbixin buuxda uu ka dhiibay xaaladda guud nolosha iyo horumarada Reer Maayland ee waddanka Holland.

Intaa dabadeed, Mr Dhurre guddoonku waxaa uu aad ugu dheeraaday taariikhda dalka Nederland juquraafi ahaan iyo waliba dagaalladii cuslaa uu dalka Holland ee uu soo maray 1940-maadkii, isagoona si la fahmi kara uu u faahfaahiyay min tin iyo cirib taariikhda limbishada ka fog dalka badankiisu ay badda la duugay u badan uu yahay, waa Holland-ne.

Guuddomiye Yuusuf Dhuurre oo qibrad dheer u leh arrimaha siyaasadda geeska Afrika, waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in wixii Baydhabo JBM ka dhacay 13. December 2018-kii iyo falkii qafaalashada ahaa gardarada cad loo wada jeeday madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur lagula kacay, iyado loo adeegsanayo magaca calanka buluugga qarannimada Soomaaliya, ay taasi daliil u tahay sida cad huwanta isbahaysiga qabiilaadka Maxaga, gaar ahaan Saldheer iyo Salballaar ay ula dagaashanyihiin sara u soo kicitaanka iyo wax noqoshada ummadda dulman Malaayinta Reer Maayland, oo iyagu qudhooday ay horseedeen gobonimada Soomaaliya dhiig iyo xoolo iyo xoog farabadani ay kaga baxday isla dhaban-buluugleyda llaftirkeeda lagu gumaadayo dulmanayaashu.

Wareysigan oo aad u xasaasi ahaa runtiina waqti dheer qaatay, waxaa Mudane Dhurre carabka in badan si ku celcelin leh uu ugu dhiftay in badan, in ay lagama maar ay tahay, in Reer Maayland hoggaankoodu ay iskoodu ay u doortaan, lagana xoroobo ay waajib tahay, maqaarsaar, qof aysan iyagu doonaynin in mar waliba loo keeno ummadda gaynkeedu Rabbigu aadka u barakeeyay tiro ka dhigan 65% Soomaalida inteeda kale, islamarkaana daggan, lehna 9-ka gobol ee ugu wax soosaarka badan geeska Afrika, kuwaaso kala ah sida:- Shabeellaha-Hoose, Hiiraan,
Baay, Shabeellaha-Dhexe, Jubbada-Dhexe, Bakool, Banaadir, Gedo iyo Jubbada-Hoose.

Ugudambayntii, Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co Operation (SMC) ee madax ka yahay wariye sare Yaasiin Abiikar tiimkeedo si rasmi ah u qalabaysan ee uu hagayay wariye sare Injineer Maxamed Ibraahin Wadani hawadana uu ka baritaageerayay wariye sare Maaxiye C/Nuur Yuusuf, intii ay ku guda jirtay barnaamijkeeda Saanqaadka Dunida ooy kamaradaheedu markhaatiyaynayeen, waxaa uu guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay dunida dagaallada soo martay sida Holland haatana hayaantayo horumarada ku tallaabsatay “ay ku daydaanooy,” into dulmigu iyo sadbursiimooyinka dabargo’a leh iska daayaan, adduunyada tagtay colaadahana kaga horeysay ay wax la qaybsadaan, isagoona si gaar ah bulshawaynta Malaayinta dulman Reer Maayland dhan waliba lagaga soo duulayna ku booriyay in midnimo dhab ah iyo qalbi saafi ficil muuqda ku lamaananyahay ay la yimaadaan, wadajirna wax u qaybsadaan, si ay uga barmoosaan halista laayaanka ah majahoogu ku jira qarnigan duurjoogtii xitaa caqliyaysatay iska diiddan in la iska dil dilo haddana la iska dub dubto.

Guddoomiye Dhuurre ma aha nin diin loo soo koro iyo daabbad dabawaynba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here