SAWIRO:-Shacab dhigay banaanbax ka dhan Dowladda Federaalka

0
127

Banaanbaxaan ayaa waxaa Maanta degmada Luuq ee gobolka Gedo ka dhigay qaar kamid ah Shacabka ku nool degmadaasi, iyaga oo uga soo horjeeday xariga dowladda Soomaaliya ay u geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi nuur (Janan).

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin halku-dhigyo ay dowladda Federaalka uga dalbanayaan inay siideyso Wasiirka Amniga Jubbaland oo ku dhowaad bil ku xiran Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaa ay ka dalbadeen Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay tixgeliso codsigooda,isla markaana ay xurriyadiisa siiso Wasiirka, iyaga ku tilmaamay xarigaas in uu yahay mid sharci-darro ah.

Dhinaca kale  Banaan baxayaasha ayaa  ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay  xayiraada dhinaca socdaalka ah ka qaado Magalada Kismaayo,isla markaana ay u turto Shacabka ku nool Gobolada Jubbooyinka.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay ku eedeysay in loo heysto xad-gudubyo iyo dilal uu ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo,isla markaana cadaaladda la horgeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here