SAWIRO:-Waa bariiskii uga horeeyey oo Lagu beero laguna tijaabiyo Magaalada baydhabo

0
167


____________________________________
Waa bariiskii uga horeeyey oo Lagu beero laguna tijaabiyo Magaalada baydhabo kaas oo Ay Tijaabisey Jaamacada caalamiga ah ee Zamzam Seyniska iyo Teknoolajiyada.

Munaasabad Si heer sare ah loo soo agaasimey Oo lagu soo bandhigaayey Tijaabada bariiska oo lagu guuleystey
Waxaana Munaasabada Ka soo qeybgaley Masuulin ka soctey Dowladda Fadaraalka soomaaliya iyo Koonfur galbeed Soomaaliya Profisooro maclimiin Ardeyda Jaamacadaha magaalada Baydhawo iyo Uururada Bulshada Qeybahooda kala duwan.

Gadoomiyaha Jaamacada zamzam Seyniska iyo Teknoolajiyada Magaalada Baydhawo Adan Abdi Isxaaq ayaa waxaa uu Sharaxeya Dalaqyada Jaamacada ay Tijaabisey.

Qaar kamid ah Masuulintii ka soo qeybgashey munaasabada oo lagu soo bandhigaayey Tijaabada Bariiska oo ku Guuleysatey Jaamacada zamzam ayaa waxaa ay amaan iyo boqaaden usoo jeediyeen Jaamacada zamzam Oo Noqatey Jamacadii uga Horeysey oo Tijaabo noocan ah sameyso.

Ku simaha gadomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Gadomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Dr.Adan Ali Adan Carab ayaa waxaa uu ku dheeraadey Muhiimada Magaalada Baydhawo ay uleedahay Tijaabada Bariiska Ah oo jaamacadu sameysey.

Bariskan jamacada ay tijaabisey ayaa noqonaya kii ugu horeyey ee laga tijabiyey koonfur galbeed soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here