SAWIRO:-Wafdi ka socda Sweden oo gaaray Baydhabo kulamana ka bilaabay

0
66

Safiirka Dowladda  Sweden u Joogo dalka Somalia oo Maanta gaaray Magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa  kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska Iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Marwo Faiza Shariif Nuur Iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyayaasha Haweenka Gobolada Baay iyo Bakool Iyo Gabdhaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeed, iyaga oo kulanka ka sheegay in Haweenka Koonfur Galbeed u baahan yihiin  garab istaag.

Safiirka Dowladda  Sweden u Joogo dalka Somalia  Amb, Staffan Tillander  ayaa balan qaaday inuu si buuxda u garab istaagi doono Wasaaradda Haweenka iyo Guud ahaan Haweenka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here