Sawiro:-Xildhibaan Sharrif Maxamed Cabdalla Oo Baydhabo Gaarey

0
252

Waxaa maanta Magalada Baydhabo Soo Garey Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdla Xusen oo Katirsan mudanayasha barlamanka Dowlada dhexe oo deegan Doorashadiisu tahay Kgs, waxaana Garoonka Shatigaduud ee Magalada baydhabo si heer Sare Ah ugu Soo Dhaweyey Odayasha Dhaqanka ,Xildhibano, iyo qar kamid Ah Aqoon yahanada Magalada Baydhabo.

Xildhibanka Ayaa Kulan Kooban Laqatey Gudoomiyaha barlamaka Ahna Kusimaha madax weynha KGS C/qadir Shariif .

C/qadir Shariif Shekuna Maye Sii Hayaha Xilka Madax weynaha KGs Ayaa Shegay inuu Kufaraxsan yahay ima tinka Xildhiban Shaif maxamed Abdala ,Loona bahayn yahay xildhibanku Inuu dookiisa shariifka ah ka Cayaaro Howlaha Doorasho ee xiligan Kajira KGS.

Sidoo Kae Xildhiban Shariif maxamed Abdala Ayaa Kulan Laqatey Odayasha dhaqanka ee KGS, Wuxuuna Sheegay inusan U socon Howlo Siyasadeed Balse usoco Howlo nabadeed.

Afhayeenka Odayasha Dhaqanka malaq maxamed Yacaquub derow Ayaa Dhankiisa Sheegay in ay kufarax san yihiin Soo garitanka Magalada uu Soo garey xildhibanka , isagoo hoosta Kaxariiqey in Sharifku Laga doonayo in doorkiisa Qaato madama lagu jiro waqti Kala guur.

Shariif Maxamed Cabdala Ayaa Si Aad Ah loogu Xusuustaa wax kaqabashadiisa Dhanka Tacaliinta dalka ,Gargaar, iyo howlaha Hormarinta dalka gaar ahaan Kgs .

Sharif maxamed Abdala kahor siyasada Waxaa uu Ahaa Mudo 20 Sano ah Agasimihii Hay,ada Bishacas ee Imaaraadka Carabta taaso Dalka wax badan Ugaga Qabtey Mudadii Bur burka Dalka uu kujirey.

                                   Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here