Sawirro: Al-Shabaab Oo baahiyay Sawirrada Dagaalkii Ceel Saliini.

0
1083

Idaacadda Al-Andalus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa baahisay sawirra laga soo qaaday dagaalkii shalay deegaanka Ceel Saliini ku dhexmaray Alshabaab iyo kuwa dowladda federaalka.

Sawirrada ayaa laga dheehanayaa Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta saldhiga, islamarkaana daabulanaya saanado hub ah.

Waxaa sidoo kale sawirrada lagu arkayaa qaar katirsan ciidamada dowladda oo weerarka lagu dilay, iyo askari nool oo gacanta lagu dhigay.

Gawaarida dagaalka ee ay Al-Shabaab gacanta ku dhigeen ayaa sidoo kale lagu arkayaa sawirrada, kuwaas oo ay kamid yihiin booyad, gaari Jeemis ah oo uu qori ku rakibanyahay, Artoob iyo gaari kale oo nooca raaxada ah.

Hoos ka daawo Sawirrada dagaalkii Ceel-Saliini.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here