Sawirro: Banaanbax Ballaaran Oo Ka Dhacay Buulo-Burte

0
86

Dibadbaxaan oo ay ka qeyb galeeyn boqolaal dadweyne ah ayaa saaka ka dhacay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Banaanbaxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday maamul cusub oo uu dhowaan wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle u magacaabay degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxa oo watay rabshada uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo kale , kadib ay markii rasaas ku fureen ciidanka amniga magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale ciidamada ayaa xasbiga u taxaabay illaa saddex oday dhaqameed oo ka mid ah waxgradka deegaanka, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli kala hakad ku jira dhaq dhaqaaq guud ee magaaladaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

eaa483a0-72cb-4845-a17f-5272dd438763
5c62e616-ca75-4065-87ee-3c2445da9a82
7930eb22-0f28-4f1e-9cf9-a8d4721bad84
baf57d36-5318-4de9-8f83-f32aefd28395
Buulo-Burte
c98e3ea9-6101-4330-b6bf-d66e0d0c32ec

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here