Sawirro: Qarax xoogan oo lala eegtay Injineerada dhisaya waddada Muqdisho iyo Afgooye

0
156

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka lala eegtay Injineerada dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala beegsaday gaari HILUX ah oo ay wateen Injineeradaasi oo u dhashay dalka Turkiga, xilli ay marayeen agagaarka Jaamacadda Shabelle.

Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo mid ka mid ah uu yahay Injineer, halka labada kale ay yihiin askar ilaalo aheyd.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaliya oo la xariira qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa horay uga digtay dhismaha jidkan, inkastoo markii dambe la sheegay in Qatar ay siiyey lacag, si loo wado dhismaha waddadaas oo muhiim u ah dadweynaha.

Lama oga in qaraxan uu la xariiro digniintaasi iyo in kale Al-Shabaab ayaa horay Muqdisho uga joojisay dhismayaal kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here