Saraakiisha ciidamada Deegaan gobolka Bakool aya shegay in uu isku soo dhiibay Yaroow Xasan Aaden, oo ka mid ahaa dagaalamayaasha Alshabaab isla markaana uu iska dhiibay degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Milatariga Degaankaasi oo ah ciidan soomaaliyeed ee saraakiisha u hadashay waxa ay sheegeen in ninkaan Alshabaab dhexdiisa looga garanayay Sayfu-Laah waxaana uu ka codsaday shacabka in ay iska cafiyaan.
Sarkaalkaan lagu magacaabo Seyfu-Laah, ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya,wuxuuna Kooxda Al-Shabaab u qaabbilsanaa isku xirka Ciidanka iyo hor-joogayaasha.


