SHAAFI RAABI OO DHUXUSHA KA DHOOFIN JIREY KISMAAYO OO LA DILEY

0
87

SHAAFI RAABI ayaa ahaa gacanta midig ee Axmed Madoobe, ahaana madaxa dalada Ganacsatada Jubaland ayaa lagu diley magaalada Kismaayo. Waxaa la sheegey in la diley asagoo kasoo baxaaya masaajidka, waxaana isku qarxiyey nin la sheegey in uu ka tirsanaa Alshabaab. Shaafi ayaa ku heyb ah Axmed Madoobe, kana soo jeeda deeganada Soomaalida degto ee Kenya.

SHAAFI ayaa ku soo caanbaxay dhoofinta iyo beec geynta dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo, wuxuuna xiriir dhow la lahaa kooxaha Alshabaab oo qaabilsanaa nabad guurinta deeganada hoostaga Jubada Hoose, sidoo kale wuxuu xiriir la lahaa sirdoonka Kenya oo qeyb ka ahaa ganacsiga dhuxusha. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa ganacsatada sonkorta oo xuduuda laga galsho Kenya. Wuxuu kaloo haayey dhaqaalaha Axmed Madoobe oo ku soo gasha si sharci darada ah.

Warar ayaa sheegaya in bilihii danbe lacago badan lagu yeeshey Shaafi, asaga iyo Alshabaab oo xiriirkooda xumaadey markii dhoofinta dhuxusha yaraatey iyo dhaqaalihii maamulka Axmed Madoobe hoos dhac weyn ku yimid. Sidoo kale wuxuu dhunsadey lacago badan ay lahaayeen Ganacsato badan oo ku xiran Alshabaab, kuwaas oo marar badan ka dalbadey in uu lacagtooda dib ugu soo celsho. Shaafi dhib badan ayuu ka geystey Kismaayo, Hadey noqoto dilal qorsheysan iyo lacago uu dhunsadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here