SHACABKA KOONFUR GALBEED OO AF-QABATEEYN LAGU SOO ROGAY…!

0
194


Maamul ku sheegga aan madax bannaaneeyn ee Koofur Galbeed sida aad arkeeysaan wuxuu Mamnuucay shirar lagu dhaliilo Farmaajo dowladdiisa Taas oo macnaheedu yahay in aysan Xor aheeyn Shacabka soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ku Nool.

Farmaajo waxa uu u faragalinayo maamul Goboleed kasta oo uu shacabka soomaaliyeed ee Jubbaland u cuna qabateeynayo ujeedkiisu waxa weeye in uu Maamul Goboleed kasta ka dhiso mid Gacan KU RIMIS AH oo Diido sida koofur Galbeed in aan la’qaban shirar uu shacabku si xor ah u qabsado.

Taas Badalkeeda dalka soomaliya waa in uu Noqdo Dal xor ah oo haddane muwaadinka soomaaliyeed uu xor yahay.

Tastuurka: Cutubka 2aad: madaxa labaad: qodobka 20aad: Farqadiisa 1aad wuxuu leeyahay: ( qof kasta wuxuu Xaq u leeyahay in uu Abaabulo, kana qeeyb galo kulamo ama bannaanbax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyadoo aan ogolaasho loo baahneeyn).

Mar haddii tastuurkii lagu heshiiyay SaaS leeyahay Maamul ku sheegga koofur Galbeed muxuu u leeyahay lama shiri karo oo uu xorriyadda Tastuurka ku qoran uga qaadayayaa Shacabka ku Nool Koofur Galbeed? Jawaabtu waxay tahay maamulkaas waxaa Sameeystay Farmaajo oo ku socdo wadaddii Digteeytarkii oo aan ogoleeyn tastuur iyo Sharci lagu heshiiyay Toona maamul kastane wuxuu rabaa Farmaajo in uu ka sameeyo mid koofur Galbeed oo kale ah.

Dalkaan somaliya haddii la’rabo in uu ahaado DAL XOR AH OO AY MUWAADINIINTIISU XOR YIHIIN OO WIXII LAGU HESHIIYAY KU DHAQMO WAA IN FARMAAJO XAFIISKA DEG DEG LOOGA CEEYRIYO.

haddii kale wixii la’sugo waa shacabka soomaaliyeed oo isdilo isna Naco.
Dr,Cali Cabdi Baab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here