SHACBIGA MAAYLAND DHARGAL IYO DHIQLE IYO DHUUDHI UGA DARAN SHARIIF KARIIRIS

0
480

Dameer 3 nin fuushantahay ii fansaar malahane, waa waqtigii si toos ah loogu wada foorinlahaa ninkan fidnawadaha ah ee fallaagoobay, lama joogo maanta xili wax la isu-duuduugo, ama la isu carrablaalaadiyo, ee waxaa la taaganyahay goortii ilkaha iyo casharkuba la kala caddeynlahaa, waa qaddiyad, waa jiritaan umadadeed, waana muqaddas in runta la is-taabsiiyo, maadaama xaqiiqada waaqaca uu ishaarayo lagama waabtaana ay u tahay aadmiga xurmad iyo nolol-wanaagga higsanaya.

Walow indhawaalaba ay jireen guux badan xamxam ka imaanaysay shacabweynaha ee ku aaddan dhanka qaar ka mid ah horboodayayaasha siyaasadda, ayaa waxaa soo ifbaxday si aan waab iyo caad toona saarnayn, in Shalgooyow-Sharwade Aadan Isaaq uu ahaa aabbaha cudurka kansarka ka xun Digil iyo Mirifle qowmiyadda ballaaran ee Maayland ku dhex jiray, yahayna waqtulxaadirkan cadowga koowaad ee ay leeyihiin ummadda baaxadda leh Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM), guud ahaanba dadyowga ku hadla Afka Maayga kuna abtirsada jiin webi.

Taariikh gaaban haddaan milicsano, awalan ninkan qilaaweeya tusbaxa-saddexlaha shaydaan ku wardiya Iblaysku u waxyoodo, waxaa uu waligii ahaa shaqsigii dhuunta ku dhagganaa horumarka shucuubtan dulman Reer Maayland luuqaddoodu tahay afka hodanka ah ee Maayga, qofkani waa ruuxii cagabararka hayadihii caalamka yimid Arlaadi JBM raashiinka u qaybin rabay dadka macaluulsan ganacsatadii deegaanka baabuureyda ahayd ka hor-istaagay in baabuurtooda ay ka kireystaan hayadaha si dadka gargaar loo gaarsiiyo, waxaa uu baayacmushtarkii Reer Maayland ee uu u diiday daqligii ay soo gelinlahaayeen dalka, wuxuuna baabuur ka keenay Kenya, ijaarkaasoo u dhacaaya Kenyaati, waxaana baabuurta uu kiiniya ka keensaday magac ahaan ay hoos imaan jireen hay’ad lagu sheegay Al-Ahli.

SHalgooyow-Sharwade Shariif Xasan waa ninkii sideedaba ku fadhiyay in ay hirgalaan maamuladii tiro 2 jeer fashilmay ee (Digil iyo Mirifle) Reer Maayland iyo deegaan wadaagooda, waa aabbihii sabab u ahaa in ururka Xaqudirirka RRA JBM uu burburo, Xaabsade, SHiikh Aadan Madoobe iyo Allaha u naxariistee Janaraal SHaatiguduud waa ay hadlayeen uun mooyaane, qofka aamusan miskiin seeflaha ahaa hoosta jiritaanka ummaddan dumduminayay isaga ayuu ahaa, mar uu dhaqaale qaad kenya ka keenay uu u adeegsado iyo mar cod hoosoo macaan uu dadku ku kala dilaba, waa mas, ama abees duudduuban dadka badi ayan fahamsanayn.

Shariif SHalgooyow Xasaney waxaa uu masuul ka ahaa kumaankii kun dhallinyarada waayeel iyo cirroole askar iyo dable haweenku ayan ka marnayn dagaalkii RRA TUHUN IYO TOOROBOORO ku la’deen, kuwasoon loo baahnayn in ay iyagu is-dilaan, waana ninkii gacantawayn kulahaa aas-aaskii Midowgii Maxaakiimta dhashay arggiggixisada Al-SHabaab dhanka maalgelinta, taasina waxaa daliil u ah in Maxaakiimtii markay guuleysteen isagoo guddoomiye baarlamaan dowlladeed ah baratakool la,aan uu Afgooye kula kulmay raggii Maxaakiimta arggiggixisada ahaa madaxdooda sida SHariif Sheekh Axmed, Xasan Daahir Aweys (Kornayl Magudbe) iyo qaar kaloo qarsoonaa dhiigga bini aadamka sida faantada u cabbay.

Ninkan xaasidka ah isaga ayaa ka dambeeyay guddoonka baarlamaanka in lagu raago dowlladihii Ku-Meel-Gaadhka Soomaaliya sheeganayana masuuliyadda dadkiisa Reer Maayland, amaba si kale haddaan u dhigno, (Raxawayn/Digil-Mirifle) Reer Maayland lama haayo hal maalin gelinkeedi hore habeen warkeeda daaye uu booqday, ama sidee tihiin uu yiri dadka masaakiinta kaamamka meel walba kaga jira Soomaaliya magacooda uu wato Maayga, halka masuuliyinta kale ee Reer Maayland isaga ka xoola yar, ay boqolaal jeer xeryaha qaxoontiga masaakiinta dadkooda ay booqdeen, taasina waxay mar labaad ku tusaysaa in Shariif Xasan Sheekh Aadan Isaaq uu yahay shaqsi dhiigyacab damiirtu ka dhimatay calooshiisa bes ah u fakaraya.

Tusaale kale haddaan soo qaadanana, Sharwade SHariif Xasan xiligii Road-Map Federaalka Soomaaliya shirkii Garoowe isagoo guddoonka baarlamanka dadkiisa Reer Maayland awood qaybsiga u matalayo, waxaa kalafadhigii kolkuu dhamaaday uu la kulmay dhamaan madaxdii ganacsatada JBM, ayna ugu horeeyaan dadowga uu isaga nafsaddiisa u nasabka sheegto, waxaana ay ka codsadeen in maamul goboleedka Puntland uu kala hadlo si dhibta lagu haayo looga joojiyo.

Arrintaa markii ay dhacday Shariif Xasaney Sheekh madaxa ayuu ruxay sida caadadiisuba ay ahayd, wuxuuna warbaahinta uu u sheegay in “dadkaasi wax dhib ah habayaraatee aysan qabin,” taasi cagsigeedna, asbuucyo kahor ayay ahayd markii xildhibaanada Reer Maayland dowlladda ugu jira ay liis cad warbaahinada caalamka u soo gudbiyeen in ka badan 200 dhallinyaro masaakiin ganacsata ah si xun loogu qaarajiyey deegaanada Puntland, qaar mindi lagu dilay, qaar dhagax nafta looga jaray, qaar xabbado nool nool lagu asqeeyay iyo qaar aashito lagu shubay faraha iyo xubnaha muhiimka ah laga jarjaray sidaana ay ku qurbaxeen aakhiro ugu rawaxeen.

Sida ay qabaan dhamaan shacbiga Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) aqlabadiyoodu tahay beelweynta (Raxawayn) ninka intaa dhib ah u horseeday, maantana doonaya inuu iyagoo nool aakhiro u wada qaddimo, fiirsan maayaane, shanfarood iyo calaacal inay isaga qabanayaan, maxaa yeelay qawaaniinta caalanka dowlladaha nidaamyada Dimoqoraaddiyadda, Shuuciga iyo Shareecada Gaal iyo Islaamba la iskuma khilaafsana qodobka ah in la iska qabto qofka ajaraya, ama aafeynaya jiritaankooda dadnimo iyo midnimada qarannimadoodu ummadeed iyo dalkooda sokeeye iyo fogaade midkuu doonaba ha ahaadee, waxaa wacay, cadow kali kali iyo jumlo jumlaba kuu dilaaya kuuma kala sokeeyo, Sharwade-Shalgooyow SHariif Xasanna waa cadowga koobaad ee ummaddan

Inuu 2-wajiile yahay Sharwaduhu waxaa caddeyn buuxda u ah, hadal raagaybaa yiri “mayd maxaa u dambeeyay, ka hadda la sido, beenlowna nin maqan iyo nin mootanbuu markhaanti ka dhigtaaye,” duraad aan dheerayn ayay ahayd markii Shalgooyow Xasaney Eeney gogol hal sano loo fadhiyay isagoon hal shilin ku deeqin, goortii ay wax isku tooseen uu ka dagay Baydhabo JBM, waxaana ummamkii dal iyo debed joogay ee dalka u dhashay afcad uu ugu sheegay, in uu u yimid “taageeridda dhismaha dowlladda 6-da Gobol,” muqadasna ay tahay in dadkani dhulkooda ay dowllad u sameystaan, waxaana hadallada uu yiri ka mid ahaa “War la sheeg-sheego been ah lama rabo, Shariifaa wax soo gatay lacag soo qaatay iyo, annaga shaqsibaan ahay, dhul qoom dhan leh kaligay ma gadan karo, haddaan gatana qofkii aan ka gatay dukumiinti caddeyn ah sow lama rabo?, wax shaqeynaaya ma aha waxaasi waa been anigu haddaan wax gadanaayo gurigeyga, ama baraakadayda bisaan gadan karaa, balse dhaxal ummadeed maya.”

Ninkii sidaasi u hadlay markii filinkiisa qandaraaska uu Xasan Safarow kula soo galay ee ahaa dhulka Reer Maayland 4 Gobol ka mid ah 3 la siiyo Axmed Qalbi Madoobe 1-na SHariif Xasan seeddiyaashiisa Salballaar ay qaataan socon waayay, malaaqyada iyo shacabkuba si adag uga hor yimaadeen, Xamar intuu yimidbuu maalmo gudaheeda haddana SHariifkii war kalo yaab leh uu ku hadlay, warkaasoo ahaa in “3 Gobol sida codkiisa ka muuqatay uu lacag iyo mansab wasiirnimo ku badashay Axmed Madoobe jufadiisa Saldheer la siiyo, 3-na ay Reer Maayland iyo wixii la daggan ay dhistaan”.

Balse, hadalkaasi xaqiiqadiisa waxbaa ka dhinaa, runtii Sharwade Shalgooyow Aw-Xasan waxaa istiraatiijiyaddiisa saxda ah uu ku soo xoolo qaatay ay tahay in 3-da Gobol uu sheegay in ay dhistaaan Reee Maayland, midi uu xisaabtaba ku jirin waa “Shbeellaha-Hoose” lana raacinayo mid ka mid ah maamulo la doonayo dhowaan in qabiilka Salballaar ay kaligood dhistaan, taasina waxaa mugdiga kaaga saaraya in maalmo kahor siyaasiyinta iyo odayaasha Salballaar dhamaantooda ku kulmay Muqdisho, ay ka dhawaajiyeen, in ay dhisanayaa 2 maamul-goboleed laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa Marka Caddey.

Taasina waxay caddeyn buuxda u tahay damiirlaawe carrun-ku-noole Shalgooyow SHarwade Shariif Xasan Sheekh Aadan Isaaq inuu yahay waraabe cadow ku ah dugaagga daliiqda Reer Maayland, kaasoon karin hilibka cayriin, waa mid aan la ogeyn wuxuu u shaqeeyo, waxaana uu fiitaa dhiigga dadkiisi maalin iyo habeenba ee uu dawo u arko sidii shorobadii

Ninkan jinka ma ahee shaydaanka iyo iblayska u shaqeeya kuna hadlaya magaca Reer Maayland danna aanu u galin hadday gaddigooda dhamaanayaan shirqoolladiisa dibnacaddeynta beenta iyo qosolka aan dawada lahayn markii ay fashilmeen, waxaa uu Baydhabo JBM dhigay tegitaankiisi ukxaan sun mariid ah, kuwaasoo haatanba dadkii cunay daacanayaan, waxaa uu qasay siyaasiyintii iyo malaaqyadii qar ka mid ah, wuxuu ruxay amnigii gobolka iyo habsami u socodkii shirka, ninkii nindoorka ahaa ee shirkan 6-da Gobol sida aadka u abaabulayay ayuu maskaxda ka waalay, waa Shiine Macalin Nuurowe, shoog ayuu ku beeray ummaddii, malaaq Sandheere ayuu “3 ku yeeryeer yiri fowdana kici si dhiig sokeeye uu u daato” walow mahad Rabbi ilaa iyo haatan aanu dhiig daadan, waxaana markii ADC hoolka shirka Lixda Gobol ee la wareegi karibwaayay uu kireeyay Hudheelka Bakiin Afaafka Baydhabo Maanya-Fuulka JBM.

Wuxuu yiri Huteelka aniga ayuu ii kireysan yahay, waxaana intaasi qarash uu ku dhiibayay curyaaminta shacbiga, si ayan marnaba xaqooda u helin horumarna ugu talaabsan, wuxuu qarash baaxad leh ku bixiyay idaacadihii cadowga Maxaga dhulboobka ahaa, si aysan u soo tabin shirka ADC-da 6-da Gobol, wuxuuna yiri “soo tabiya shirka 3-da Gobol beenta ah,” bal tolow ninkaan waayeelka ah qabriga u dhow intaasoo qarash ah markuu ku bixinayo burburinta dadkiisa, maxaa u diiday in qarashaadkaasi fidnada uu kaga shaqaynayo uu ku bixiyo meelaha munaasibka ah ajirkana uu ka helayo, ama uu siiyaba masaakiinta nolosha la kacaakufeysa habeena qadsan maalina aan helin marar badan?
Waa su’aal aan jawaab loo hayn

Maxaa wacay, “ninkii naadadii Nebi Muuse cs maqli waayay, naadadii Muuse Saamiruu maqlaa,” hadal raagaybaa yiri, SH?harwade Shalgooyow Xasan waxaa uu ka dhawaajiyay kolkii filinkiisa uu socon waayay aqoonsi wuxuu yiri “Aqoonsi looma helaayo haddii 6 Gobol dowllad loo dhiso”, balse dadku juhulo ma ahan caalamka maanta sidiisaba waxaa uu wax ugu daraa qof wax haysta, waxaana uu garab istaagaa qofkii garbihiisa soo dhista, meeldheerba haka raadin miisaalka:-Cabdullaahi Yuusuf 0-land ayuu ka soo bilaabay, kahor 1998 dii deegaamada Puntland qalcad qalcad ayaa loo xidhay, dadka waa lagu dhici jiray, isbaarooyin daran aan waxba la reebinbaa jiray, dilka dhaca iyo afduubyadu iyo dhaawacu caddad dhaaf ayay ahaayeen, maantana xaggey maraysaa horumar xaalkiisu halkaa dhig, xitaa caalamka ayay la fariisanaysaa dowlladda Federaalka Fadhiidka ahna ayadaa amraysa.

Haddaba Puntland markii la dhisayay ma caalamka iyo Xasan culusow ayaa lagala tashaday,? su’aashaasi Shariif Shalgooyow ayayy u taalaa jawaabteedu.

Sido kale, Somaliland xiligii ay dowlladdeedu dhisanaysay, ma waxaa lagala tashaday caalamka iyo Xasan Gurguurte,? su’aashaa jawaabteeda hala weydiiyo Sharwade Aadan Isaaq.

War iyo dhamaadkii, dalkan awal la oran jiray Digil iyo Mirifle gumeystihii Maxaga la shaqeynayay kadibna loo baxshay Jubba, kacaankii Siyaadna dantii laga lahaadaba 6-da Gobol laga dhigay, maanta dadbuu rabaa damiir leh, dhiiggooda aan iibsan aayaha ubadkooda dambe iyo kuwa haatan u joogaba aad u fiirinaya ta xigta, waxaana shacbiga Reer Maayland la gudboon, in ay si wayn isaga ilaaliyaan, si adagna gacan bir ah isaga qabtaan Shalgooye-Sharwade Shariif Xasan Shiikh Aadan Isaaq, oo runtii sakiintiisa afka beeshay nacasnimo darteed dadkiisa uu ka dhashay kula soo laabtayo taraaraxay, si uu uga cirrabtiro geeska Afrikada Madow, isagoo la soo saaray matoor culus, una adeegaya waxa loogu yeero yeyda horarka ah, ee ay horkacayaan Xasan Culusowga Xamar kalitalinimada wax dheer Adolf Hitlerkii 60-ka milyan oo ruux dunidan guudkeed ku dilay iyo Axmed Qalbi Madoowaha taangiga Kenyaatiga ka soo dabaqabsaday xeryaha qaxoontiga Utaango iyo DHadhaabeed, waxaa dadkani tuugada ah in aysan dhulka waxba ku lahayn xaaqin ka yihiin kuu caddaynaya, in Qalbi Madoobaha Jufadiisa, waa kuwaa walwalsan ku cataabaya shalay baryaayay “kenya yeysan naga bixin.”

Se, mindida daabka laga haayo doqontu waano ugu fulin.
Annaguna haddaanu nahay warbaahinta SMC waxaan u caddeyneynaa shacabkeena nabadda iyo samaanta jecel Reer Maayland, inaan wacadkaan idin ka qaadnay ee ahaa daafaca dhulka Lixda Gobol waalidkeenaba ha ahaadee kii qaddiyadda ummadda kahor yimaada aan dhagaha ka raacayno, idiina qarinaynin dhagarqabayaasha kirishboiyada u ah cadowga dalka iyo dadka iyo diinta iyo duunyada Maayland, maxaa yeelay sinaba uguma sii-ban karayno walaalayaal wacadkii aan dadkeena ka qaadnay gaashaan u daruuridda xuquuqdooda insaaninimo idam Alle, kol haddii shacbiga dhargal, ama dhiqle iyo dhuudhuba uga daran yahay wax uga xuna aanu jirin Sharwade-Shalgooyow-Sakiin-Shariif Kariiris

Qormadan waxaa la qoray 2012-kii

By: Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here