SHARIIF KARIIRIS BARATAYE SE SHARIIF XUSEEN HALGAMAAGII GEESIGA MAAYLAND MA LAGU BARAY

0
256

Sida dhamaatiina aad cinwaanka qormadan taariikhda xusuusiga ah ku wada aragteen, haddaad Shariif Kariiris baratay se Shariif Xuseen halgamaagii geesiga Maayland ma lagu baray,? waxaan halakan idin kugu soo gudbinaynaa oodna kaga bogan doontaan taariikh-nololeedka kooban wariyihii gaarka ahaa ururka xaqudirirka RRA JBM duurka kula jiray isago kamaraddiisa wata xili ay xaaladdu aad u adkayd laguna jiray halgan gobannimadoon ah, kadib gummaadkii Afwayne Saldheer, Salballaar huwan-beeleeddii Caydiid uu hoggaaminayay ay soo camimtay dhulwaynaha Reer Maayland.

Rugcaddaa suxufi sare Mudane Shariif Xuseen Rooboow Maxamed waxaa uu ku dhashay degmada Waajid gobolka Bakool Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) 25.12.1950-kii, waxaana waxbarashadiisu dugsiga hoose dhexe uu ku soo qaatay magaalada Baydhabo gobolka Baay JBM 1959-1967, iyada oo dugsiga sarana uu ku qaatay magaalada Muqdisho JBM sanadihii 1967-1971, wuxuuna masuulkani uu u gudbay Akadiimiyadda Sirdoonka ee uu caasimadda Beyruud dalka Lubnaan.

Wariye sare Shariif Xuseen oo ah aabbe lamaane xaas iyo caruurba leh, waxaa uu sanadihii 1972-1973 uu noqday shaqaale dowladeed (National Service), iyado sanadihii 1973-1975-kii uu noqday sarkaal nabadsugid awood bada leh “Somali National Security Service” (NSS Officer), halka sanadihii 1981-1985-kii uu noqday madaxa nabadsugidda magaalada Kismaanyo gobolka Jubbadda Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM), taaso ay sii dabatiil in sanadihii 1986-1997-kii masuulku uu ahaa maareeyaha shirkadda TESECO CO. dalka Sucuudi Carabiya, kuna lahaa ganacsi gaara magaalada Muqdisho JBM 1997-1999-kii.

Suxufigan aan inaba caadiga ahayn taariikhda dheer leh waddaniga ah u dhashay Reer Maayland waqtiyadii dhibtuna xoraynta dalka gaajadu jirtay ummaddiisu naf-hurnimo ugu soo shaqeyay, lase illaaway, wariye sare Mudane Shariif Xuseen Rooboow Maxamed, waa aabbaha aas aasayaashii dhidabada u taagay Banggiga Jubba, ahaana maamulihiisi guud sanadihii 2000-2002-dii, wuxuuna labadraale Mr Shariif Xuseen uu maamule ka ahaa isbitalka Daaru-Shifa magaalada Muqdisho JBM sanadihii 2007-2011-kii.

Dhanka siyaasaddana, aqoonyahan Shariif Xuseen Roobow waxaa uu ka mid ahaa wufuuddii caalamiga ahayd Shirkii Eldorat iyo Empagathy Soomaalidu dowlladda haatan u shaqaynaysa federaalki loogu dhisayay 2002-2004-tii, iyado oo sanadihii 2005-2006-dii uu ka mid ahaa xubnaha Golihii Gobolka Banaadir JBM, ahaana guddoomiye kuxigeenka golahaasi, waxaana suxufigan rugcaddaaga ah uu ku hadlaa afafka Soomaaliga Maayga iyo Maxaga, Ingiriisiga, Carabiga, Taliyaaniga iyo Faransiiska.

Wariyihii la halmaamay Mudane Shariif Xuseen Roobow Maxamed haddaad dib ugu noqotid mareegaha warbaahinta sida (Internet-yada) aad si furan ugu arki kadhaa duurka isagoo madaxda iyo askarta ururka xaqudirirka RRA JBM la fadhiya waraysiyana ka soo qaadaya, taaso muujinaysa taariikda dahabiga ah ee ku dhex leh leeyahayn suxufigani bulshadiisi la dulmiyay malaayiinta Maayland lagu gumaaday, laguna baabbi-inayo wali magaca calanka buluugga qarannimada Soomaaliya, iyado markii ugu dambaysayna uu Baydhabo JBM u duulay kaambayn culusna ugu jiray sidii madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ooy ummadda dalbatay dalka iyo dadka iyo diinta iyo duunyaduba uu uga badbaadin lahaa yayda ku soo duushay ee sabadka u yuuryuururta xalaal-quudadatu cidina aysan ku duulin, balse, iyaguun dhulkooda iyo maalkooda iyo naftooda lagu haysto loona cabbayo dhiiggooga sida faantadii dharaar iyo cawaba.

Walow Mudane Shariif Xuseen oo waliba ilmadeer dhow ay yihiin Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan (Shariif Kariiris), iskuna dayay wariyahan waddaniga ah inuu bal wada-xaajood uu u furo madaxwayne Mukhtaar Rooboow iyo Shariif Xasan, si, maadaama dalka duulaan lagu soo yahay masiirka ummadda loo badbaadiyo awooddana uu ugu wareejiyo hoggaanka ruuxiga ah, Shariif Kariiris uu diiday, ceegana uu ku taagay wanaagsidihii, waxaa uu imikadan wariyihii qaaliga ahaa la illaaway ku noolyahay magaalada Muqdisho Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayand (JBM), isagoona isha u haya Shariif Kariiris iyo xumaanta uu falay, oo runtii yaab iyo amakaag ku reebaysa ruux kasto dhibic damqasho waddaniyadeed jirkiisu ay ku harsantahay, bacdama, Kariiris 4 Gobol uu soo liqay cadow uu ka gatay, walina uu soo taaganyahay, doonayana inuu dabaadigii Reer Maayland dhul iyo dadba uu wada liqo halmar sidii halaq oo kale, hangool dheero faraarya lehna uu isaga taagay aqoonyahanadii dalka, xitaa qaraabadiisi, sida wariye sare Mudane Shariif Xuseen Roobow Maxamed aarkii Maayland la’aantiisa aan la arkeen muuqaallada taariikhiga ciidamada iyo saraakiisha madaxda Maayland dunidan laga wada daawanayo.

Se, Waan soo socdaa kow dheh, waxna waan sidaa laba dheh, samir yeelo waligaa walaal qaali ah amar Alle laakiin!!

By: Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here