SHIIKH C/FITAAX XASAN AADAN IYO TAHA CHARITY TAARIIKHDU WAY XUSAYSAA LAAKIIN!!

0
328

Kuftin jilib iyo kalaam waalid iyo kantarool warbaahin midna kaama haraan, bal aan ku baro halyeey C/Fitaax Shiikh Xasan Aadan Taha, waa boordaha qormada ay SMC iyo Tiimka Jugta Culus idin kugu talagaleen toddobaadkan sida Rabbigu laga filanayo inaad nabad iyo xasilooni ku aqrisan doontaan kagana bogan doontaan waa kuma ka la duldhigay su’aashu qalinku qaadaa dhigayo.

Dibindaabyiyo wixii dabin la ii dhigay kuwaa waan daboolo qalinkaan ku duugo dacwad kama banaysano da’da kale waxay tahay, adigoon dambiba lahayn waxa jaray guntiini aan kuu dilaacsho, misna diirka aan ka qaado, digtoonow ma ahaatido daadkan kuu yarayn duufaanada ku qaada dumiya dhagax-dugaaleedka damqasha li’idaadu, goortay durugtay xaajadu duulshowga iyo duullaamada horkacayo ma digagaxduhu iyo inta la duuban doolaalkooda daranahaasi ku helay iyo durayga ku daamdaamiya markay kugu labadiblaysay durgana wayday socodkii, waxaa doonido baxaa-dagaysa cirkaa sare dig kaaga soo yiri doorkii cadowga kaa dugsin lahaa aan dayrin dumaashi una soo dibadbaxay, kaaso sifadiisu looga daliilqaatay,

Durduryahaw rogmanaya, nin waliba wuxuu dirsaday ayuunbuu dan moodayo, dabka adaa baqtiiyo, dumdumooyin rida oo, dam ka siiya geedaha dadkana aan ka bayrin, durduryahay rogmanaya, Daa’inkay raxmadkiyo, ummadda ugu deeqiyo, waxaad tahay daruuraha roobkii ka da’aaya, Allaha dunida uumiyo, kugu dhaarshay diintuye, darwanaajintaydiyo waxaan kaa duraansado adoon diiday igu oran, dadku siduu u idil yahay inantaan ka doortay wayni kala dayoownay, degdeg iiga sii qaad, dhaqsina iiga gaardii fariintaan u darayo, dareensii inaan wali awadeed dibjiray qalcadaha ka dayday leeyahay, daandaanso durba laged xambaar, ma taqaan dabaashuye, loox soo dulsaaro, dugaal iigu keen durduryahaw.

Inkastoo lagu kooday koobna aan loo darin koodhi kaalmadii loo dhuray kolkii ay kambadhuudhsatay kaligeed uun lagu wiirsaday koolbooyinkii 1961-kii iyo, koorasaarkii 1969-kii iyo, kulkiyo xanuunkii 1991-kii iyo kabashkabashtii 1998-kii lagu karantiilay kumina aan looga tagin loona taagin xisaab xirkooda xitaa madax-salaax lufluf aan dib loogu laabin laqmashada uun loogu laasimay dhiibada soo baanatay xaasidku dhaawacay shucuubtan kulaasha marin-baribiyoodka sida la arkayna garta looga eexday in badan lagu masalafaynayo mood iyo nool iyo waliba mamka mamanaanta maahirnimada ay u yeelaan karayaan inay si mug leh u marineyaan moolka iyo meesha sare ee laga maareeyo maamulka dalka, musoobooyinkaasi dhacay murugooyinka waawayn magna looga dhigay miskiinimo majaacada muuqadoorisa manoole-mana-dhinte-mayd marya-wata-midigtiisu-hoosaydo, aafooyinkaasi casharadoodaasi fartooda kasha ay ku qorantahay kolkii la waayay cid wax ku qaadadata duruusahooda digniinaha dhiiba, waxaa mar qur ah sida doog hir leh nabad ku jooga oo kale seerihiisu bidh uga soo dhex yiri bulshadan dhibban la iska falaqsanayo wiil dhallinyara ah Illaahay diin iyo garasho siiyay wax badan tiisi gaarka ah u halmaamay ta guud sida la filana dhamaantiini aad wada qiri doontaan inuu yahay halyeey ah nuuciisu midka halkeeda dhigay taariikhda Geeska Afrika baal dahab ah ka galay naxariistiisi qarsoomi wayday Mudane C/Fitaax Shiikh Xasan Aadan.

Fikraddu waa shay cajiib ah, sida aan ka maqalnay haddaanu caamadu nahay culimada tafsiirisa diinta muqadaska sawaawiga Islaamka, Quraanku wuxuu oranayaa “dhulka socda oo fiirfiiriyo fakarana”, inkastooy jiraan mutadawiciin aad u farabadan u dhashay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) kuwo aamusan iyo qaar muuqda isugu jiraan, oo taariikh dahabi ah ku leh bogga kaydinta taariikhaha taranka iyo taransiga aadmigu, haddana Mudane C/Fitaxaa Shiikh Xasan Aadan waa ninkii dhalshay awoodda Alle falsafadda suuban ku fadhida nusuusta saxda ah ee ah, in la aas aaso xeryo caruurta agoonta ahi lagu daryeelayo waxna lagu barayo, iyado samafalkaasi lala kaashanayo isla dadka dalka u dhashay uun, taasoo aakhirkiina suurowday loona baxshay Taha Charity SamafalahaTaaha.

Tani kolkii ay hirgashay laguna miirsaday sadarcad su’aali ka dhane, Shiikh C/Fitaax kulaylka markuu soo bilaaban rabay abaarta horteed, waxaa uu keenay qorshe ah, in ummadda dhibaatadu haysato ee joogta gudaha dalkii uu u soo bandhigo xakaarka, si ay u arki karaan kuwa walaalahooda kale dal iyo debedba isagoo isticmaalaya “i tus oo i taabsii”, maqal iyo muuqaal kaamarooyin nadiif ah, iyadoona qof Allaalliyo qofkii wax u dhiibana dadkaasi dhibaataysan isaga loogu hagaajiyay walaalka C/Fitaax, uu live, ama, si toos ah ugu soo dhigayo baraha bulshada caddayn buuxda.

Carabta waxay tiraahdaa “calaamatul madhar fi saxaab”, qofka dadka anfici doona dhaqdhaqaaqiisi koobaad ayaa laga fahmaa, muwaadinkan aamanta badan fagaarayaasha la taagan aamantu Billaahi ee dadkiisi si iqlaas leh ugu adeegaya runtiina tusaale wanaagsan oo muuqda u ah jiilka haatan soo koraya iyo jiilasha dambe mustaqbilkuba geeska Afrika iyo guud ahaanba Reer Maayland, waxaa uu soo hindisay farsamo cusub oo aan waligeed Soomaaliya looga dhaqmin, farsamadaaso koobigeedu ommoska iyo abaartan taagan C/Fitaax dabadii ay gobollada kale dalko dhami dhamaantoodu u isticmaalayaan samatabixinta.

Abaartan ku dhifitay geeska Afrika waxaa kolkii ugu horaysay ay qiiqisay gobollada waqooyi sida Somaliland iyo Puntland, hubaal dadyowgaasi dadkoodu waa ay u gurmadeen intii ay kari karayeen, baabuuro baad iyo biya sida ayay u geynayeen muwaadiniinta abaartu haleeshay, balse Taha iyo hoggaankeedu waxay ku guulaysteen gurmadka abaaraha iyagoo raashiin iyo sharaab ba qaadaya inay booyadaha biyuhu intayan qaadin kahor, ay deegaanka u sidaan sahayda nooligu maalin, ama laba kahor u sii wargeliyaanooy meel isugu keenaan dadka dabadeedna, booyadihii intay shiraac bacyo waawayn ka dabaqaadaan fidshaanooy hog u goglaan dhulka barxadwayn, into biyihii ugu furaan ay yiraahdaan “Muslim Alloow muggaaga dhaanso inta tabartaadu ay tahay”, iyadoona kaamarad caddayn buuxda ka soo duubaya dadka si cadna u tusaya walaalihii woxooda soo sadaqaystay si qanaaca leh, arrintaaso meesha ka saaraysa wax isdadabamarintii sadaqadaba gaabiska gelisay ee lagu yiqiin afarjeeblayaasha waqtiyadan oo kale in mudda xoolaha masaakiinta loo soo dhiibay ku taajiri jiray, walow tuuganimo iyo xaaraan aan sinaba taajirnimo loogu gaarin oo wixii xatooyo lagu keenaa khasaaro ay u dambaynayaan siday Soomaaliduba horay ugu hadaaqday “weel khayaano waa eber.”

Ingiriisiga oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay luuqadaha koobaad ee caalamka looga hadlo uguna maahmaahyooyinka badan, wuxuu oranayaa “A friend in need is a friend in deed”, oo micnaheegu yahay “saaxiibka dhabta ah, waa ka kula qaybsada dhibta.”waxaana qubarada diiradda ku haysa ummuuraha ka aloosan Geeska Afrika gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada dhaqandhaqandhaqaalayn samafalka iyo siyaasadda guud taariikhda qalin daarka wacan qaasatan nuuciisu cagaaranyahay ugu qorayaan Mudane C/Fitaax Shiikh Xasan Aadan inuu yahay halyeey amaan balaadhan mudan tahayna in xili kasta loogu duceeyo ficiladiisan san isaga iyo intii la midka ahba ee ay ku wadahawlan yihiin hawashan raggii raganimada sheegan jiray aaranka bootayn jiray goortay dhanaanaatay laga waayay saaxada qalalan caloosha aan la buuxsanayno, balse haanta la banaynayo, misna dhagax garmaqaate ah lagu xiranayo xulusta abbaartanka beerka abaarta, si anfacada irsaaqadaad afka gelin lahayd ugu qaybsanto axad kalo gaajo awgeed turaabta barkaday dhabbacdhabac u jiifa dhulka haraadna u dhimanaya shubanku uu kubaaraynayo.

Geesta kale, qolyaha siyaasaddana xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo ficiladiisu sida waabarka u cadyihiin kolka laga yimaado, inkastuu gummaadkii doorashadii Baydhabo JBM iyo shirqoolkii madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur 13.12.2018 uu yiri “dadka qiiqaa dilay,” waxaa isna sinaba inta muuqata loo dafari karin hawsha gurmadka ee uu hayo, wasiirkii Hubkadhagista dowlladda JBM Mudane Xasan Xuseen Eelaay oo runtii qaaday tillaabooyin wax ku ool ah farax iyo qiirooyin qarooyin waawayn ku beeraya shacabka masuul nuuciisaana aanu horay u qaadin gayigan, walow uu markii dambe isna aad isugu xaaray ee uu masuuliyadda shirqoolka iyo qaafaalashada madaxwaynaha dalka Maayland Shiikh Mukhtaar Roobow iyo xasuuqii dhacayba dhabarka uu ritay Xasan Eelaygu yoom-minal ayaamna lagula xisaabtami doono caddaaladdana la horkeeni doono.

Guud ahaan Soomaaliya masuuliyinta Soomaalidi gaar ahaan Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) ayaa waxaa lagu yiqiin inay sharaar cadcad iyo suud saraawiil kabayow qurxoon ay soo xidhaan qudha afka ka sheegaan war burinaya ficilkooda, hayeeshee Mr Xasan Xuseen Eelaay wasiirka Hubkadhigistu waxaa uu ku dhaqaaqay dhabbihii dhabta ahaa gudashada xilkiisi si uu ugu gurmado dadkiisi abaartu halakaysay, walow wixii uu qabtay oo dhami burush xaar ku dhooban uu mariyay 13.Dec 2018-kii, kadib meeshii laga raacay Albaqrullaahi, Tiimka Reedoow Reedoow iyo waliba huwanta isbahaysiga qowmiyadda gardarada iyo daandaansiga badan Maxaga Salballaar iyo Saldheer oo teeriyo 1960 kursiga sare awoodda dalka qudheedan isku badbaddalaya ilaa haatan siduu inuu kitaab rusuul u qoray oo kale, ama dhaqtar, kuna dhibaataynaya Soomaalida inteeda kale magaca calanka buluugga waxa loogu yeero qarannimada Soomaaliya oo sida runta ah u samaysan gaar ahaan, ciribtirka ummadda baaxadda wayn Reer Maayland oo ah dadka ugu tirada badan Soomaaliya tirada ay dalku ka yihiina ay tahay 65%, lase isku dayo in afka lagu dafaro, walow fool timid gudo qarsiimo aanu lahayn eeggan qarnigan aynu joogno dunidu ay horumartay dadku ay aad wax u fahmeen miskexdoodu xorowday sidii hoggaanadii hore JBM Ustaad Cusmaan iyo Jeneraal Shaatiguduud oo kale xaaladduna ay taagtaagan tahay “Isha Farta Ha Iga Gelin.”

Dhoolatuskii horaan ayay ahayd iyo maalmo badan oo ka horeeyay kadib kolkii la arkayay wasiir Xasan xamaali oo loorar raashiin ah ee uu dhabarka ku wado sida xamaaligii dhawrka kun dhabarkuxoogaysigiisu ku baddalanayay, taasoo ina tusinaysa soo dhowaanshiyaha uu u soo dhawaaday mar daacadnimada uu shacbigiisa ugu adeegayo iyo farqi ahaan masaafada lagu cabiri karayo cayn ahaan inuu kaga awran yahay masuuliyinta kale ay isku sanduuqa ku wada qufulan yihiin sheegtaana inay matalayaan una adeegayaan ummaddooda xaqiiqdase burwaaqadu duxda iyo dufinta mooyaane, barakalaydu baahida marka ay timaado bidhaantooduna aan midhidho la arag.

Dad badano dhaliila maamulka fadhiidka Baydhabo JBM ka taliya ee uu garwadeenku ka ahaa Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxay ku doodayaan inay khalad tahay in la amaano wasiirada xukumadaasi kufsatay masiirka dadwaynaha samaha-jecel dhul ahaan daggano leh ku fidsan min misjiidka Arbaca-Rukun Muqdisho ilaa xuduudaha gudahaba u galo Kiiniya iyo Itoobiya, balse afkaartaasi waa mid aan ku fadhin caqliga saliimka ah lagu barabaarayo tusaya waxqabadka masuulku iyo dowlladduba.

Haddaan u kala qaadno 2 qaybood oo gudawayn, waa inaynu kala saarnaa dadka horboodaya iyo nidaamka dowliga, haykalka dowligu waa mid ay wada leeyihiin mucaarid iyo muxaafid, balse kuwa hoggaanka haya waa lagu dhalliili karayaa inay yihiin jamhuur inqilaabtay hagidda maamulka aanayna xalaali ahayn, waxaase aan dabool in la saaro, indhaha laga xidho, dhagahana laga furaysto ku haboonayn, in shaqsiyaadka falkasan siduu sawirku tusayo garwadeenada shaqada fiican aysan wanaagsanayn in la xaqiro waxgalkiisi sida shaqsi ahaantiisu isu soo bandhigo, ama iqlaas hor Alle haka ahaato, mise (ostentation) is-tustus iyo halagaa sheego sida badi siyaasiga lagu yaqaan saban-aakhirkan oo u badan igu sawir iyo halagaa sheego yool siyaasadeed sifo mannaannimo aakhiro aanu sad ku lahayn kaasada kaydka dambe Rabbulcaalamiin agtiisa loona baxsanayo maalinta qaxarka iyo qaawanaanshiyaha qiyaamuhu arrintu ay aad iyo aad u culus tahay, ee fadlan ha dhimanina adinkoon Muslimiin ahayn xaqana baaddil haku baddalina.

C/Fitaax Taha nin waliba intay taagtiisu tahay bay qodaxduna tagtaa waa geesi tuhunsan rag isu tagey tashaday cir tararay taaka labadii wuu toli karayaa amar Alle laakiin!!

By: Ustad Adam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here