Shir Deg Deg ah ay isugu imanaayaan Madaxweynayaashii hore & Madaxda Xisbiyada

0
348

Waxaa lagu wadaa in maanta gelinka danbe ay shir degdeg ah isugu yimaadaan Madaxweynayaashii hore, iyo madaxda xisbiyada madaxa bannaan, sida SMC u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirka ayaa waxa looga hadli doona tallaabada ay qaadi lahaayeen Madaxdii hore iyo xisbiyada kaddib markii maanta laga soo celiyay safar uu MW Sharif Sheekh Axmed uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo caleema saarka Axmed Madoobe.

Shacabka ku nool Muqdisho oo tan iyo markii uu talada dalka la wareegay MW Farmaajo la kulmayay caqabada iyo caburin aya waxaa maanta wax ka dhadhamiyay doorka kali talisnimo ee Farmaajo Madaxweynihii hore Sheekh Sharif, kaddib markii lagu bahdilay garoonka Adan Cadde isagoo ku socda magaalada Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadda ayaa lagu wadaa inay gurigiisa ku booqdaan Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed oo maanta is hor-taag lagu sameeyay diyaarad u qaadi laheyd Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha hore iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa looga hadlayaa xaalada guud ee dalka iyo is hor-taagii lagu sameeyay Sheekh Shariif ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in kulanka laga soo saari doono war murtiyeed, iyadoo baraha bulshada si aad ah loo hadal haayo tallaabadii lagu xanibay diyaaraddii qaadi laheyd Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Hey’adda Duulista Hawada ayaa soo saartay amar ku wajahan diyaaradaha aadaya Kismaayo, iyadoo lagu amray in fasax soo weydiistaan 24 saac ka hor, tallaabadaas ayaa looga gol leeyahay in lagu hor-istaago wafuuda ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ay dhowaan sheegtay in aanay aqoonsaneyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here