Shir Deg Deg Ah Oo Maanta Dawlada Dhexe & Maamul Gobolleedyada Yeesheen

0
50

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu shir gudoomiyey Kulanka Wasaaradaha Maaliyada Dawlada Dhexe,Dawlad Gobolleedyada dalka ka jira iyo Maamulka Gobolka Banadir.

Shirkaan oo qaab muuqaal ah Qadka Internet-ka ku dhexmaray ayaa la sheegay in looga hadlay Dhaqaalaha iyo sida uu ugu fal galay Cudurka Covid 19.

Wasiirada Maaliyada Dawlad Gobolleedyada ayaa ka hadlay Shirkaasi iyagoo soo bandhigay Dhaqaalaha iyo sida uu hoos udhac weyn ugu keenay Cudurkaan Saf marka ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO DHIGAY WASIIR BEYLE 

Abdirahman Dualeh Beileh

Ramadan Kariim.

Waxaa maanta inoo qabsoomay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federal ka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, iyo Maamulka ka Gobolka Banaadir.

Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan wadajir uga hortagi laheyn saameynta dhaqaale ee #Coronavirus iyo u adeegidda Shacabkeena maadaama lagu guda jiro Bishii Barakeysneyd ee Ramadan.

Mar kale waxa aan ku faraxsanahay wadashaqeynta wanaagsan ee nagala dhexeysa Dowlad-Goboleedyada, taasoo horseed u ah horumarka dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here