Shir Maanta Ka Dhacay Xalane Oo Go’aan Lagu Gaaray (SAWIRRO)

0
27

Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlaayey howlgalada Ciidanka iyo xaaladda kala guur ah.

Kulan oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan Dowladaha Soomaaliya ka taageera dib-u-dhiska Ciidamadda iyo Amisom, ayaa wasiirka difaaca Soomaaliya waxaa uu ka sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay wadaan dagaal ka dhan ah argagixisada.

Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Federaalka Somaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in meel wanagsan uu maraayo diyaar garowga ku aadan qorshaha kala guur ee Ciidamadda Amison iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Ciidamadda qalabka sidana ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee sidii amniga guud ee dalka ay ula wareegi lahaayeen.

Dhanka kale xubnihii kulanka ka qeyb galay shirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ku garabsiinayaan dagaalka ka dhan ah argagixisada, waxaana ay ku amaaneen sida ay uga go’an tahay dowladda dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here