Shirqoolka Siyaadeed Ee Ku Hareereysan Shirka Dhuuso Mareeb

0
18

Shirka maantaka furmay Dhuuso mareeb ayaa waxa lasoo tebinayaa in Dheeli siyaasadeed la kala jiheynayo iyadoo Shirqoolo la maleegayo.

Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Dhigiisa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in ay ka digtoon yihiin dhabar toogasho siyaasadeed oo lagu sameeyo.

Cumar Filish iyo Seddexda Madaxweyne Maamul Ee KGS,Galmudug iyo HirShabelle ayaa la tilmaamay inay ku fekir yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Arinta ugu weyn Shirka waa Qadiyada Gobolka Gedo,Doorashada iyo Xubnaha ku jira iyo Maqaamka Gobolka Banaadir.

Sida uu doonayo Madaxweyne Farmaajo ma aqbali doonaan ayaa la is weydiinayaa damaca dib usoo laabashada Maamul Ee nabad iyo nolol.

Iyadoo aan la isku calool fiyoobeyn ayaa shirka uu furmay maanta qolo walbana wixii qalbiga ay ku heysatay ma wada soo tufi doonaan ilaa ay aragto hanaanka wax usocdaan.

Yadadiilo ayaa laga qabay shirkaasi balse sida la sheegayo ama umuuqato waa mid la kala fog yahay mabda’ ahaan iyadoo ilaa 8 Bisha oo Madaxweynaha muddo xilleedkiisa ku eg yahay la isla gaari karo Shirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here