SIFADA SAN MADAXWAYNAHA 3-AAD JBM ASSIYID MUKHTAAR ROOBOOWNA LAAKIIN!!

0
398

Sida xaqiiqda ah goor barqa cadceed soo baxday sacabo laguma qarin karayo. Mudane madaxwayne Mukhtaar Roobow geesinimo inta ruux bini-aadam ah looga baahan yahay barteedaad dhigtay maasha Allaah, waxaad tahay hoggaamiye buuxa loo kaamil yeelay (leadership) hoggaaminta san, adigo ku darsaday siqinimo, sidiiqnimo, daacadnimo, caddaalad, tawaaduc, dulqaad, qalbi nadiifnimo, waaya-aragnimo, ama qibrad fog, diin iyo iimaanba, waxaana aad tahay hoggaamiyaha ruuxiga dhabta malaayinta dulman reer Maayland 70-ka sanadood magaca calanka buluugga qarannimada Soomaaliya lagu gumaadayay, walina lagu baabbi’inayo joogadeenan maanta.

Mudane madaxwayne, maadama ballantii aad qaadday sideeda aad u fulisay ummaddaadan gaynkeedu wayni intaa la egyahay badbaadadeeda darteed naftaada khatar aad u gelisay, diiddayna inaad gadato qaddiyaddaada sida ay sameeyeen Albaqrullaahi, Tiimka Reedoow Reedoow iyo Reer Dudaaye, waxaanu ballan qaadaynaa haddaynu nahay shacabwaynahaaga adiga ku jecel malaayinta siqiir iyo kabiirba, waligeen inaan kugu dabataxnaan doono nolosha, khudbadahaagi miisaanka lahaa qiimiga iyo qarada waynaana qalin dahab ah kitaabada kaydadka cibarka kula qori doono sadarada dahabiga taariikhda guunka. Markale madaxwayne adigu halyeey baad tahay, adigu gadaashaa raggii la weeraray saacado kooban ayaa lagu soo afjaray, iyagoon

Itoobiya aan loo adeegsan, saasooy tahayna, way tanaasuleen, xaniinyahooguna way wareejiyeen islamarkiiba qoraxda aanay soo kululaan, balse adigu inaad raganimadaadu wareejisid iskaba daayo, xitaa tanaasulkii baad diidday waf, mabda’aagaad si geesinima leh ugu adkaysatay, runtii rijaalbaad tahay dadkiisi dulman u hiiliyay. Mudane madaxwayne adigu quluubtanadaana aad iyo aad ugu wayntahay, samir yeelo walagii Illaahay kuwa samra ayuu la saf yahay, dhegna ha u dhigin dhaliya-maangaab waxay ku hadaaqaana la mida “dameer dhuusay iyo kaliya eey dhawaaqay buuranbuurantu cagaballaaran,, nooli kulante walaal qaali ah amar Alle laakiin!!

Midaan muran ka taagbayn madaxwayne Mukhtaar Rooboow masuul masuul, se mowtada nool garanba naayaana taa kaamil amar Alle laakiin!!

By Ustad adam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here