SIR CULUS: Beesha Mareexaan & Shirkii Farmaajo La Yeesheen + Go’aanka Cusub

0
122

Shir Albaabada Uxirnaa ayaa waxaa yeeshay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qeybaha Kala duwan Ee Bulshada Beesha Mareexaan.

Kulanka ayaa ka dhacay Magaalada Nairobi oo keli Beeshaasi ayey ku ahaayeen oo Qurba jog iyo Qorax joog ka qeyb galeen Su’aalo kala duwana la weydiiyey Madaxweynaha.

Arinta uu ku wajahan xariga Wasiir C/rashiid Janan,duulaankiisa Axmed Madoobe iyo Dagaalka Beesha Abgaal ayaana laga wareystay.

Madaxweynaha ayaa ku Adkeystay inaan lasii deyn doonin C/rashiid Janan,islamaarkaana ku sheegay mid dalka khiyaamay Dembiyo kala duwana galay.

Waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku celiyey in uu ka laabaneyn Axmed Madoobe inuu Jubbaland ka saaro Kursiga oo shakhsi Dawlada taageersan la geeyo.

Ilo ku dhawaa Shirka waxay sheegeen in Beesha Waxgarad kasoo jeeda ay talo wax ku ool ah usoo jeediyeen Madaxweynaha oo lagu dhagrin waxyaabaha qaar.

Ugu dambeyn waxaa lagu ballamay in Shirkaasi la isku taageero oo beesha is garab taag muuqda loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here