SIR CULUS: Maxoow yahay qorshaha Abiy Ahmed u imanaayo Muqdisho maalmaha soo socda

0
68

Warqaad ayaa ogaatay Xog la helay oo sheegeysa in Maalmaha soo socda laga yaabo inuu Muqdisho yimaado Ra’iisal wasaaraha Dalka Itoobiya.

Wafdiga Abiy Ahmed ayaa waxaa laga ogaaday Qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka Itoobiya,kuwaas oo sheegay in daba yaaqada Bishaan November uu kusoo wajahan yahay Xamar.

Lama oga ujeedka Socdaalkiisa balse waxaa la sheegay in uu la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo oo arimo dhowr ah ay kol hore isla meel dhigeen.

Bishaan horaanteedii 8 Wasiir ay kusoo wajahnaayeen Muqdisho balse maalintii ay imaan lahaayeen ay arbushaad dhacday Lagu hor istaagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo usocday B/weyne,taariikhdana waxay aheyd 10-kii Bisha maalin Axad ah.

Hadaba waxaa la leeyahay Dawlada Itoobiya ayaa ubisan bisooneysa inay la wareegto Dekadaha Soomaaliya Qaar oo ay maal geshi ka sameysaneyso.

Bishii April Sanadkii Hore 2018-kii Ayaa Abiy Ahmed waxa loo doortay Ra’iisal Waaaraha Itoobiya wax yar isagoo Xafiiska haya ayuuna yimid Muqdisho iyadoo Dhowr mar Madaxweyne Farmaajo tegay Adis ababa,taas oo ka dhigan inay Saaxiibo dhaw noqdeen Muddo Sanad iyo Dhowr bil ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here