SIR LA HELAY: Mucaaradka oo arrin qatara ah ka billaabaya Muqdisho

0
25

Sida ay xaqiijiyeen ilwareedyo muhiim ah oo la hadlay Warqaad mucaaradka Soomaaliya ayaa abaabulaya dibadbaxyo waa weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Arrintani ayay uga gol leeyihiin in beesha caalamka laga gado in shacabku aynaan doonayn madaxweynaha mudda xileedkiisu uu idlaaday ee Farmaajo.

Qorshahani oo aynaan ku mideysnayn dhammaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan Villa Somalia, ayaa ku kooban midowga musharrixiinta.

Midowga musharrixiinta oo adeegsanaya dhallinyaro firfircoon oo ka tirsan xisbiyada ay leeyihiin ayaa dhaqaale ku bixinaya sidii loo abaabuli lahaa dibadbaxyo.

Sidoo kale midowga musharrixiinta ayaa fursad u arka ay shirka kaga qeyb gali karaan fashilkii ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4 iyagoo soo jeediyay dalab ah in ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, haddii kale aynaan xal u arkaynin qodobada ka soo baxa mar haddii laga talo gelin waayo.

Su’aal muhiim ah ayay dhalisay sababta degaanka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Cabdicasiis oo ay ku badan yihiin reerka labadii madaxweyne ee hore Xasan Sheekh iyo Shariif waxa uu dibadbaxa kaga dhacay kaligood oo degmooyinka kale ee magaalada Muqdisho aynaan la qabin.

Dhowaan wasiirro uu horkacayay wasiirka amniga gudaha Xundubeey oo kulan albaabada u xirnaayeen gurigiisa waqooyiga Muqdisho kula qaatay madaxweyne hore Cali Mahdi, waxaa Cali Mahdi uu u sheegay in aynaan jirin cid wada ka shaqeyn xasarado amni balse madaxweyne Farmaajo ay ogaysiiyaan in waqtigiisu uu idlaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here