SIR LA HELAY: Villa Soomaaliya Oo Bixisey Amar lagu hor istaagayo Murashax Kheyre

0
47

Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyey in sii hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Abuukaato Mahdi Guuleed iyo xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wassaaha, Cabdirisaaq Caato ay cadaadis ku saareen hanti-dhowraha qaranka inuu dib baaritaan ugu sameeyo shaqooyinkii uu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha labadii sano ee tagtay.

Mr Khadar Guuleed iyo Cabdirisaaq Caato oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo oo ku jira ololaha dib-u-doorashadiisa, ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta hanti dhowrka, waxayna ka codsadeen inay baaraan shaqadii uu xafiisku qabtay labadii sano ee tagtay hase yeeshee hanti dhowrka ayaa ku war geliyay inay shaqadaas horay u qabteen oo ay hayaan natiijadii maadaama xafiisku uu ka shaqeeyo daba galka xafiisyada dowladda iyo ilaalinta hantida qaranka.

Guuleed iyo Caato oo ay ka go’an tahay inay raadiyaan ugu yaraan dul kuleel lagu hor istaagi karo lagu sameeyo Murashax Madaxweyne Xasan Kheyre ayaa hanti dhowrka ku cadaadiyey inay tahay amar madaxweyne, lagana doonayo inay baaritaanka sida ugu dhaqsaha badan u galaan, oo ay soo saaraan warbixin ka saxan tii hore oo ay bannaanka soo dhigaan maadaama ay suuragal tahay in xoghayihii hore Yaxye Cali Hareeri iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ay wax uun qariyeen.

Ilo wareedka aan xogtaan ka helnay waxay xaqiijinayaan in hanti-dhowrka uu ka dhego fureystay soo jeedintaasi ah ku noqoshada shaqo ay horay u qabteen, sidoo kalana ilaalinaya sax ahaanshaha warbixintoodii hore, ay diidi kari waayeen amarka la dul dhigay kadibna ay billaabeen fulinta awaamiirta.

Mahdi Guuleed iyo Cabdirisaaq Caato ayaa kamid ah saraakiisha ugu muhiimsan ee ololaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, waxaana loo xil saaray inay soo raadiyaan wax walbo oo iin siyaasadeed ah oo uu galay Xasan Kheyre si hoos loogu dhigo sumcaddiisa Hanka uu ka leeyahay.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono dagaalka siyaasadeed ee Kheyre iyo Farmaajo ka dhex jira xilli Doorashada ay soo dhawaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here