SIR LA OGAADAY: Tirada Askarta Soomaaliya looga dilay Dagaalkii dhawaan lala galay TPLF

0
39

Waxaa soo baxaya xogo hordhac ah oo ku saabsan dhalinyaro Soomaali ah oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo ku dhintay dagaalkii Itoobiya iyo TPLF ee socday bilooyinkii la soo dhaafay.

Xogtaan oo laga helay ilo sirdoon oo kala ah Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa tilmaameysa 370 askari dhinteen iyadoo intaas ay dhaawacyo ka badan soo gaareen.

Kudhawaad 900 oo ciidan Soomaali ah oo laga dagaal geliyay Xuduuda Itoobiya iyo Eritrea ayaa baxsaday iyagoo diiday inay dagaalkii Tigre ee todobaadyada qaatay ka qeyb noqdaan.

Waxaa xiriir ahaan Soomaaliya iyo Ethiopia yihiin kuwo aad saaxiibo u ah gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Dalkaas Abiy Ahmed Ali.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Dawlada Soomaaliya Oo ay arintaas kaga hadleyso,Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xasan Cali Amar Dambe ayaa Baarlamaanka ka hor sheegay in ciidan Soomaaliya loogu tababarayey Ereteria aysan jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here