Siyaasi caan ah oo Soomaalida siweyn u tageerto oo maxkamad amartay in lasoo xiro

0
47

Dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuradin Xaaji ayaa soo saaray warqad oggolaansho ah oo lagu soo xirayo duqa magaalada Nairobi ahna guddoomiyaha ismaamulka ka caasimadda, Mike Sonko.

Ciidamada booliska ayaa hadda ku howlan sidii ay xabsiga ugu taxaabi lahaayeen siyaasigan xilka sare haya, kaasoo lagu eedeynayo la xiriira musuqmaasuq.

Nuuradiin Xaaji oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa shaaciyay in Sonko su’aalo laga weydiin doono lunsashada lacag gaareysa Sh357 million, oo ka mid ah dhaqaalaha ismaamulka.

Dacwad oogaha ayaa intaas ku daray in xafiiskiisa uu heysto caddeymo ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here