Siyaasi dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Deni oo xabsiga la dhigay

0
93

Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxaa ay Maanta magaalada Boosaaso ku xireen mid kamid ah siyaasiyinta Gobolka Bari,kaas oo maalin ka hor ka qeyb-galay kulan lagu dhaliilayay Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Siyaasiga la xiray ayaa waxaa lagu Magacaabaa Muuse Cali Jaamac,waxaana la sheegay in kulanka uu ka qeyb-galay  ay xukuumadda Puntland uga digayeen arrimaha ku wajahan maalgashiga Imaaraatka Carabta.

Muuse Cali Jaamac oo ah Siyaasiga la xiray ayaa shalay  Warbaahinta u akhriyey go`aamo kasoo baxay Odayaasha beelaha gobalka Barri qaarkood,kuwaas oo sheegay in Madaxweyne Deni uusan fulin balan qaadyadii uu sameeyey.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in Siyaasigaan la xiray iyo kuwo kale oo la baadi goobayo  ay jabiyeen amar dawladeed oo lagu mamnuucay shirarka magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here