Soomaaliya & Turkiga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

0
25

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda dalka Turkiga Lütfi Elvan, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah.

Lada mas’uul ayaa sigaar ah waxaa ay uga wada hadleen isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Turkiga.

Sharaf ayay ii tahay in aan la kulmay  Mr Lütfi Elvan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Turkey oo si hagar la’aan ah inoo garab istaagtay, waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Turkiga ayuu yiri “ Wasiir beyle.

Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaan kaalin weyn uu ka qaadanayaa dib u dhiska Ciidamada dowladda iyo sidii deynta looga cafin lahaa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here