TACSI – Marxuum Xaaji Maxamed Xaaji Xuseen Magaalada Baydhobo.

0
21

Abdulkadir Ahmed {Chief Sagarey } ayaa tacasiyo Tiiraayo Le Udirey Dhamaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii uu kageeriyooday Alla ha u naxariisto Marxuum Xaaji Maxamed Xaaji Xuseen. oo ahaa Qof taariikh wayn ku leh geyiga ay Soomaaliyada degto Gaar ahaan Gobolka Baay. Wuxuu ahaa shaqsiyaalkii fara ku tiriska ahaa ee soo maray, Deegaanada KGS Gaar ahan Gobolka Baay, wuxuuna ahaa mid ka mid ah lafdhabarta nabadda Koonfurta Soomaaliya, waa geeri naxdin leh, Alla janada Fardowsa haka waraabiyo Ayuu Yiri Chief Sagarey”
Xaaji Maxamed Xaaji Xuseen aya Ku geeriyoodey Magaalada Boresi ee Dalka Sweden,
Alle naxariisto Marxuum Xaaji Maxamed Xaaji xuseen. Dhamaanteena Samir iyo Iiman Allaha Naga siiyo Isagana Jannatul Fardowse Haka waraabiyo gadaashiisana Alle Nama Fidneeyo.

Taariq Nololeedkii Marxuum Xaaji Maxamed Xaaji xuseen.
Wuxuu ahaa shaqsiyaalkii fara ku tiriska ahaa ee soo maray, gobolka Baay.
Xaaji Maxamed Xaaji xuseen. waxa uu dhashey horaantii 1943, waxbarashadiisa waxa uu ku soo qaatey , dhinaca gobolada dhexe & Bokool . Waxa uu macalin sare ka ahaa , iskoolka gadiidka , dhinaca meliteriga ee gobolka Baay, degmada Baydhabo, isagoo dad badan soo saarey. Wuxuu ku biirey ciidamada Qalabka sida ee Soomaliyeed, sanadkii Markuu ahaa 1960. wuxuuna ka qiibqaatay Degaaladii dhaxamaray itoobiya iyo soomaaliya 1964 iyo 1977.
Xaaji Maxamed Xaaji xuseen Ilahey ha u Naxriisto waxa uu ka mid ahaa aas aasiyaashii & maamuliyaashii masjidkii bilaajatul Ogadeen Degmada Baydhabo.

Waxa uu ka mid ahaa ragii hogaamin jirey , gudiga nabadeynta ee Gobolka Baay.
Wuxuu ahaa madaxii nabadgelyada , Degmada , bur burkii Soomaliya ka dib.
Waxyaalaha lagu xasuustaa waxaa ka mid ahaa , wuxuu aad gacanta ugu hayey agoonta iyo masaakiinta. Marxuum Xaaji Maxamed Xaaji xuseen Mar aan ku booqaday gurigiisa uu kadaganaa magaalada boresi ee dalka Sweden ayuu wuxuu igu yiri Abdulkadirow waxaan jaceylaan lahaa inaad mar keliye aad igayso magalada Baydhabo. runtii Marxuum wuxuu igu abuuray dareen aad u sareeyo Wuxuu ahaa Qof aad iyo aad uwanaagsan. Samir iyo Iiman Allaha Naga siiyo Isagana Jannatul Fardowse Haka waraabiyo. Amiin Amiin Amiiin

Diyaariye. Abdulkadir Ahmed {Chief Sagarey }
Sweden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here