Taliyaha Qeybta 60naad oo Maanta Kormeerey Degmada Walaweyn

0
350

Taliyaha ciidamada qeybta 60aad Jenaraal Maxamed Sheeekh Cabdullahi Ciiro ayaa maanta kormeer kusoo marey degmada walweyn iyo deegaanada hoos yimaad ee gobolka shabelaha hoose ee maammulka Maayland.

Taliyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada qalabka sida waxaana uu ciidamada kula dardaarmey sdii loo xoreyn lahaa dhamaan deegaanada Maayland ay ku sugan yihiin isbaarooleyda iyo weliba kooxaha nabad diidka ee ku sugan dhamaan.

Safarkan aya anoqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu taliyaha ku tegay degmda walweyn maadaama ay beryahan kusoo noqnoqdeen dagaalo ay abaabulayaan kooxo kasoo kicitamey maamul goboleedha Hirshabeele oo damacsanaa inay isbaaro dhigtaan wadada isku xirta egmada alaweyn iyo Baydhabo taasoo ay ka dhiidhiyeen shacabka degmada walaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here