TALIYE ODAWAA OO XIRAY KABTAN YAXYE CALI MAGAN IYO SARAAKIIL KALE OO DIIDAY ISBAARO

0
244

Taliyaha ciidanka xoogga federaalka Soomaaliyeed (XGDFS) Mudane Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xiray taliyihii hore ururka 54-aad guutada 7-aad Qaybta 60-Maad fadhigiisu yahay degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) iyo saraakiil kale oo diidday inay isbaarooyin la dhigto jidka dheer isku xira Muqdisho iyo Baydhabo JBM.


Kornayl Cabdulle Cali Mirihii haystay ururka 54-aad goortii la dilay booskiisi loo magacaabay Kabtan Yaxye Cali Magan, goortii 2-xiddigle yaxye iyo saraakiishiisi kale ciidankiisu ururka tashi kadib ay xaaqeen isbaarooyiinkii bilqanka ahaa lagu dhacayay shacabka musaafurka ah iyo dadka deegaanka habeen iyo maalinba kadib, ayaa taasi waxay u cuntami kari wayday taliyaha guutada 7-aad Axmed Gaashaan, taliyaha ururka 64-aad 2-xiddigle Cali Cabdullaahi Halac, iyo taliyaha ururka 35-aad gaashaanle Foorfoor oo u wada yimid Kabtan Yaxye Cali Magan oo taliye ka ah ururka 54-aad, waxaana ay u sheegeen in, uu la shaqaysto isbaarooyin ay wada dhigtaan laguna duulo degmada Wanlawayn JBM, si meesha looga saaro maamulka haatan ka jira degmada iyo ciidanka Daraawiishtuba deetana ay u gaystaan degmada Daafeet JBM maamul maqaarsaar ah iyaga u shaqaynaya dhaca iyo boobka uga raalli noqoanaya, taasoo Kabtan Yaxye Cali Magan ay u cuntami kari wayday yirina “shacabka ma dhibi karayno, mana ceebayn karayno tuutaha dowlladda.”

Intaasi kadib, Axmed Gaashaan, Foorfoor iyo Halac waxay isku dardareen 16-kuno Doollar, waxaana ay u geeyeen oo laaluush ahaan ay u siiyeen taliyaha ciidanka xoogga federaalka Soomaaliyeed (CXDFS) Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyago kaga dalbanaya in Kabtan Yaxye Cali Magan laga baddalo, maadaama isbaarooyiinka uu ka soo horjeedo, uuna u soo magacaabo taliyaha ururka 54-aad qof iyaga la shaqaysan karaya isbaarooyiinka la dhigan karayo Wanlawayna JBM dabka la gelin karaaya, taasoo islamarkii uu taliye Odawaa fulshay, waxaana uu Kabtan Yaxye Cali Magan uu ku baddalay nin shiishhadda aan ka kicin wax waliba isugu midka yihiin lagu magacaabo Kabtan Cabdirisaaq Ilasamaaw.

Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation loona soo gaabayo (SMC) oo aad isha ugu haysay arrimaha siyaasadda iyo milatariga geeska Afrika, ayaa soo ogaatay soona bandhigtay xaaladda Isbaarooyinka, waxaana ay arrintii xaqiiqda ahayd ay kaga hadashay siday xaaladdu ahayd si toos ah (LIVE).

Balse, habeennimadii ay SMC sirtaasi qarxisay isla subixiiba waxaa taliye Odawaa uu tilifoon ku soo dhiftay Kabtan Yaxye Cali Magan taliyihii hore urur 54-aad isbaarooyinkiina xaaqay darteed xilka looga qaaday iyo taliyaha horinta ururka Kabtan Cali Maqaar, kuwaasoo looga yeeray wasaaradda gaashaandhiiga magaalada Muqdisho.

Kolkii ay tageen xarunta wasaaradda, waxaa taliye Odawaa uu ku yiri “Waryaada inaan anniga 16-kun laaluush qaatay nin isbaarada dhigaayana aan u magacaabay ururka 54-aad yaa warbaahinta SMC iyo Jugta Culus gaarsiiyay, sow adinka ma ahan,?

Goortay isbariyeeleen kuna yiraahdeen “taliye annagu ma naqaan SMC iyo Jugta Culus xiriirna lama lihin.” Kabtan Cali Maqaar adigu baribaad bixi kadhaa baa la lagu yiri, halka Kabtan Yaxye Cali Maganna xarig baad tahay lagu yiri.
Kabtan Yaxye Cali Magan inkastoo amarka taliyha uu qaatay, haddana waxaa uu ku dooday ee uu yiri “taliye bilaa caddayn xaq ma aha inaad dambe culus aad igu soo eedeysid bilaa maxkamadna aad iska kay xirato, adigoona horaan xilkii iiga qaaday bilaa sabab annigo waajibkayga gudanaya isbaarooyiinkii aan qaaday dadka lagu dhibi jiray,” wuxuuna sii raacsaday inuu maxkamad la fuuli doono taliyuhu.

Kabtan Yaxye Cali Magan sharcidarro ayuu u xiranyahay haatan, halka taliaha unugga 1-aad ururka 54-aad Isbartoore Ismaaciil iyo taliyaha unugga 2-aad ururkaa 54-aad Ibraahin Ciise Muuddey iyana lagu xiray isla xarunta taliska ururku ku leeyahay degmada Afgooye JBM, xarigaasoo uu ka dambeeyay taliye Odawaa fulintiisuna lahaa taliyaha imikadan haysta ururka 54-aad guutada 7-aad Qaybta 60-aad Kabtan Cabdirisaaq Ilasamaaw, iyado degmada Wanlawayn tuulooyin hoos yimaadana habeenimo lagu qalay 3 ruuxo shacab reer Maayland ah, halka 1 nin shacab ahna maalintii xigtay galabnimadeeda Salballaartu ay ku dishay xerada ciidanka Ballidoogle JBM agteeda, waxaana xusid mudan, in taliyeyaasha Guutada 7-aad oo dhamaantood wada ah Salballaar ay amar ku siiyeen Reer Wanlawayn Maayland-ka lagu soo duulay la qalqalayo, kuwa ku soo duulay ee laynaya kolkay damcaan inay iska dhacshaan, aanay tallaabo u qaadi karin, hadday u qaadaana dhabarka laga tooganayo dulmanayaashu.

Gool yaxaas ku qaadyaa iyo gaari kula gaddoonyaaba Maayland-noow geeri maa dheer gugan amar Alle laakiin!!

By. Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here