TALIYIHII CIIDANKA DANAB BILIDOOGLE JBM JINIQAAR OO LA SOO KATIINADEEYAY

0
83

Taliyihii ciidamada Danab urur 4-aad garoonka wayn dayuuradaha Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland Gaashaanle Jiniqaar oo asal ahaan ka soo jeeda deegaannada Puntland, ayaa maalintii Arbacada ahayd taariikhdu ku beegnayd 27.11.2019 maxkamada ciidamada qalabka sida federaalka Soomaaliya ay ku katiinadaysay isla xarunta Danab Bilidoogle JBM, kagadaal kolkii Jiniqaar lagu helay inuu dhacay hantida qaranka sida hubka iyo rasaasta iyo waliba gawaarida gaashaaman ummadda Soomaaliyeed loogu adeegayo.
Gaashaanle Jiniqaar oo maalmo kahor xilka laga xayuubiyay lagana tirtiray lambarkiisa ciidanka Danab lana geeyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia isagoon ku qanacsanayn talaabadaa, damcayna inuu ka biyo-diido, iskudaygiisaasuna loo sheegay in “haddaysan taa aanay u cuntamaynino anfacaynin shibil iska noqdo suuqiisu galo,” ayaa duraad looga yeeray saldhigga ururka Bilidoogle si uu xilka uu ugu wareejiyo taliyaha cusub 2-Xiddigle Maxamed Suleymaan, xiligaaso hawshaasi intii lagu gudajiray bakhaarada kaydka uu isagu masuulka ahaa laga waayay hub iyo rasaas aad u tira badan, waxaana goortii hubkaasi ee uu isagu cunay meelna uu ku sheegi waayay durbadiiba goobta timid maxkamadda ciidamada qalabka sida federaalka Soomaaliya oo laba-dible katiinad ku boobtay una qaadday caasimadda federaalka Soomaaliya Muqdisho.


Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo in mudda baaritaan dheer ku haysay arrimaha milatariga iyo dhibaatooyinka ka dhex aloosan, ayaa waxay horaanba u soo bandhigtay khayaanooyin farabadan Gaashaanle Jiniqaar ku samaynayo qaranka iyo isdabamarin aad u wayn, waxaana marar badan SMC ay soo bandhigtay sawiro iyo maqaalo caddaynaya Jiniqaar inuu dhacay hantida qaranka sida rasaas uu xadayo lagu qabtay, hub ay dhashiikayaal iyo BKM-yo u badan yihiin oo uu dhacay iyo gawaari gaashaaman qaranku leeyahayo intuu gatay uu ku nabay saraakiil u dhalatay Maayland ooy ururku wada joogeen sida taliyihii gaadiidka Danab Kabtan Candalla iyo Abaandullihiisi Kabtan Maxamed Isaaq, oo Cabdi-Bille Jiniqaarku nafsaddiisu uu labajeer gatay, intay saraakiisha Maayland soo celsheen, sideebaad ii fashisheen daraaddeed, intuu laaluush badan siiyay qaar ka tirsan saraakiisha sarsare qaranka, sidaasi xabsi loogu dhaadhiciyay Kabtan Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdalla, walow aakhirkii ay ka soo baxeen godkii uu ku riday dabankuu u dhigay saraakiishii dulmanayaasha daacadda u ahaa qarankooda ee uu xaqii soo daahiray.


Kolkii magaalada Muqdisho la geeyay Jiniqaar isagoo jeebbaysan, waxaa la waydiiyay hubka maqan iyo halka uu aaday, wuxuuna indhataagtaag kadib arrintiisu ay ku soo hoorsatay “inaanu meelna ku sheegi karin,” maadaama sarkaalkan hantidiii qaranku in badan iska daaqayay xisaab li’i, hadalkiisu wuxuu noqday mid aan meelba saarnayn markii lagu dhagay ooy caddaaladdu soo hor istaagtay, xitaa wuxuuna mar yiri in, Kabtan Maxamed Yiriisowgii taliyaha horanta 3-aad hayay isla isagu laftirkiisu shirqoolkiisu qayb ka ahaa qaraxa miino Carbiska gobolka Shabellaha-Hoose JBM lagula dilay “1 DHashiike uu cunay,” taasoo ka dhigan beenloow qof maqan iyo nin mootanbuu markhaanti ka dhigtaa.
Sikastooy ahaataba, haddaan siduu sheegan jiray ee ahayd “Lafta-Geela-Badhaan-Nahay, qaranka annagaa taabsanay,” arrinka aan laga dhigin caddaaladda siday tahay sharciga loo marsiiyo, gaashaanle Jiniqaar waxaa dib loogu soo celin doonaa xerada Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose JBM, halkaaso lagu maxkamadayn doono saacadaha soo aaddan haddii aanu Rabbigu diidin.
Ha is oran cidi kuma arkaysee aqalla jeexo caloosha buuxso nin xil qaadoow amar Alle laakiin!!
by.Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here