WAAJID, Soomaaliya – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ku dishay degmada Waajid ee gobolka Bakool 7 ruux oo ka kooban hal qoys, kuwaasoo isagu jiray hooyo, aabe iyo 4 caruur ah oo ay dhaleen iyo qof marti u ahaa.
Mukhtaar Axmed Xasan, oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid arxan-darro ah, oo argagax geliyay bulshadda ku dhaqan gobolka,
Lafta Gareen ugu baaqey inay meel uga soo wada jeestaan gumaadka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in hadii laga aamuso Kooxda ay geysanayso dilal iyo qaraxyo nafta bini’aadamka ku goynayso.
Lama oga sababta ay Al-Shabaab u beegsatay guriga, balse Saraakiisha amniga ayaa xusay in ay ka jawaabi doonaan xasuuqa shacabka loogu geystay Waajid, oo kamid ah meelaha laga saarey Al-Shabaab 2014.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab, oo ku saabsan dilka dadka rayidka ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wada howlgallo aywaa sadey hadalka udhugeen Al-Shabaab uga saarayaan degaanda ay maamusho ee gobolka Bakool.