Toogasho Ka dhacday Muqdisho & Qofka la dilay Oo la ogaaday

0
51

Dableey ayaa waxay maanta ku toogteen Gudaha Suuqa Bakaaraha Askari katirsan ciidamada Dawlada Soomaaliya.

Dilka waxa fuliyey dableey bistoolado watay waxaana ay baxsadeen dilka kadib.

Meesha ay wax ka dhaceen oo aheyd halka loo yaqaano Cabdalla shideeyaha ayaa xaalada muddo aheyd mid cakiran waana la kala cararay.

Ciidamo katirsan Booliska ayaa gaaray goobta oo meydkii ayey meesha ka qaadeen iyagoo kadib jawiga caadi kusoo noqday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Toogasho ka dhacdo suuqa Bakaaraha iyadoo inta badan al Shabaab ay sheegtaan weeraradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here