Top News Halgankii Wuu Socdaa (NRRA) Wali Hubkii Ma Dhigin Waa Uruur Cusub NRRA

0
329

Shacab waynaha Digil iyo Mirifle waa dad ku caan baxay daris wanaag & nabad ku wada noolaasho, dumintii dawladii dhexe ee Soomaaliya jabhadihii ka qayb qaatay kamid ma ahayn shacabka waynaha Digil iyo Mirifle ee ku caan baxay dawladnimo jacaylka. Cid kasta oo deegaanadaa Digil iyo Mirifle ku sugnayd iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ee taariikhda qora waxay iskaga markhaati kaceen warbaahinta aduunkuna ay tabisay in beelahaas ay ahaayeen kuwo dulman oo nabad iyo xalislooni loo diiday laguna dul dagaalamay. Arintaas oo saamayn wayn ku reebtay daganaanshaha deegaanka & xaalada nololeed ee dadka.

Dulmi iyo dagaalo aan kala joogsi lahayn dil, dhac, boob iyo barakicin joogta ah oo ay gaysteen garabyadii ku dagaalamayay deegaanada Digil iyo Mirifle, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda ayaa sabab u ahaa aas-aaskii ururkii RRA. Waxaa arintaa garab socday in afduub lagu haystay masiirka siyaasadeed iyo hoggaanka shacabka Dirig iyo Mirifle.

Dhaqdhaqaaqyadii ciidan iyo siyaasadeed ee ururka RRA waxay soo nooleeyeen rajadii shacabka Digil iyo Mirifle, waxay sidoo kale soo celiyeen madax banaanidi siyaasadeed iyo higgaamintii deegaanka oo kusoo laabatay gacanta shacabka iyo siyaasiyiintooda.

Dhaqdhaqaaqii RRA waxaa laga dhaxlay maamulka maanta jira ee loo yaqaano koonfur galbeed, maamulkaas oo shacabka galiyay yididiilo iyo hammi wayn oo ay ku hiigsanayaan hanaanka dawladnimo iyo kala dambaynta, waxaana soo noqday rajadii shacabka iyo dhaqankoodii soo jireenka ahaa ee ku dhisnaa nabad ku wada noolaashaha dadka walaalaha ah ee deegaankaas u nasab sheegta.

Nasiib daro waxay mar kale rajadii shacabku mugdi gashay, kadib markii ay maanta soo ifbaxeen astaamo u eg astaamihii dhaliyay kacdoonkii lagu dhisay ururka RRA. Astaamahaas oo ah afduubka siyaasadeed iyo kan hoggaamineed ee loo gaystay rabitaanka shacabka Digil iyo Mirifle iyada oo waliba la adeegsanayo cudud ciidamo shisheeye iyo ciidamo Soomaali ah oo aan deegaanka u dhalanin. Awood sheegashaad kuma koobnayn afduubka siyaasadeed ee ummadda loo gaystay kaliya, ee waxaa garab socday gabood-falo iskugu jira hanti la burburiyay, xasuuq iyo caburin loo gaystay shacabkii dalbanayay in masiirkooda loo madax baneeyo, ee ku noolaa magaalada Baydbabo.

Hadal iyo dhamaantii dhacdadii lagu afduubay doorashada koonfur galbeed Soomaaliya dhaxalkeedii waxa uu noqday in shacab iyo siyaasiyiin gadoodsan kana dhiidhiyay dhibka dhacay ay ku dhawaaqaan hal-ku-dhag cusub oo loogu magac-daray dib u curashada RRA (New RRA). Waxaana shacabka koonfur galbeed dal iyo dibad meel ay joogaanba cod dheer ku gaarsiinaynaa fariinta nala soo faray ee ah “Halgankii wuu socdaa (NRRA) wali hubkii ma dhigin” waxaan sidoo kale dadka Soomaaliyeed ee samaha jecel ku wargalinayaa dhaqdhaqaaqan cusub (New RRA) in uusan halis ku ahayn daganaanshaha deegaanka iyo daris wanaaga, balse uu yahay kaliya dhaqdhaqaaq dadka reer koonfur galbeed Soomaaliya looga dulqaadayo heeryada gunnimo ee ay hormuudka ka yihiin kooxaha damacoodu aadka u hooseeya ee doonaya in dadka iyo deegaanka dib loogu celiyo waayihii foolxumaa ee ay kasoo kabsadeen.

si taas aysan u dhicin ummadduna ay u hesho hoggaamiye iyaga matala iyo siyaasad madax banaan , muwaadin nagala qayb qaado dhaqdhaqaaqa {New}RRA-da cusub. Deegaanada uu ka biloowday iyo hal-ku-dhagyada hadafkeena waaxaad maalmaha soo socda kala socon doontaan warbaahinta iyo baraha bulshada, ujeedada ugu wayna waa diidmada dulmiga cusub ee dhaqdhaaqu cid kale duulaan kuma aha.

Dagaanada Ay Kala Joogaan Waa Idinla Wadaagi doonaa Hadii Allaha Edmo

WariMaxamed Wadani

Wadaninews24 Online
Xafiiska Baydhabo
wadaninews@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here